Dowladda federaalka oo si kulul u beenisay in dalka laga eryay safiirka Imaaraadka Carabta

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali

Wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa si rasmi ah u beenisay warar lagu faafiyay baraha bulshada iyo qaar ka mid ah warbaahinta, kuwaas oo sheegayay in safiirka dowladda Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya laga eryay magaalada Muqdisho.

War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu caddeeyay in warkaas uu yahay mid gebi ahaanba aan sal iyo raad toona lahayn, isla markaana ah warar been abuur ah oo aan waxba ka jirin.

Wasaaraddu waxay sidoo kale ku boorrisay warbaahinta gudaha iyo bulshada Soomaaliyeed in ay muujiyaan taxaddar dheeraad ah marka ay la kulmaan warar aan la hubin, si looga hortago faafitaanka macluumaad khaldan oo keeni kara jahawareer.

Sidoo kale, wasaaradda ayaa xustay in xogaha rasmiga ah ee la xiriira arrimaha dibadda iyo xiriirka caalamiga ah ee dalka laga helo oo keliya ilaha dowladda ee xaqiijisan, si loo ilaaliyo sumcadda dalka iyo xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya la leedahay dalalka saaxiibka la ah.

Ugu dambeyn, wasaaraddu waxay mar kale adkeysay muhiimadda ay leedahay in warbaahinta iyo shacabka ay ka fogaadaan faafinta warar aan la xaqiijin, isla markaana ay tixraacaan ilo rasmi ah ka hor inta aysan la wadaagin macluumaad kasta oo la xiriira arrimaha dowladda.

Dowladda federaalka oo si kulul u beenisay in dalka laga eryay safiirka Imaaraadka Carabta