Siyaasiyiinta mucaaradka oo shuruud ku xiray ka qayb-galka gogosha wada-hadalka madaxweynaha

Siyaasiyiinta Mucaaradka ee ku mideysan Golaha Mustaqbalka Soomaaliya

Siyaasiyiinta mucaaradka oo ku mideysan Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa soo saaray war-saxaafadeed rasmi ah ay ku caddeynayaan mowqifkooda ku aaddan ka qeyb-galka gogosha wada-hadal ee uu dhawaan fidiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, taas oo lagu qorsheeyay inay qabsoonto 10-ka May 2026.

Waxay sheegeen in si taxaddar iyo mas’uuliyad leh ay usoo dhaweynayaan casuumaadda madaxweynaha ee ku saabsan wadahadalka, hase yeeshee waxay shuruud ku xireen ka qayb-galka kulankaas, iyagoo ku baaqay in la helo jawi dhab ah oo lagu kalsoonaan karo oo horseedi kara is-afgarad siyaasadeed.

Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa sheegay inay hore uga qayb-galeen wada-hadallo lagu doonayay in lagu xalliyo khilaafaadka siyaasadeed, balse ay sheegeen in xaaladda hadda jirta ay weli ka jirto caqabado waaweyn oo ay ka mid yihiin tallaabooyin ay ku tilmaameen in ay yihiin kuwo hal dhinac ah oo saameynaya geeddi-socodka siyaasadda dalka.

Sidoo kale waxay soo hadal qaadeen arrimo ay ka mid yihiin barakicinta dadka iyo xarigga dhalinyarada, kuwaas oo ay ku sheegeen inay muujinayaan inaan weli la gaarin jawi ku habboon wadahadal dhab ah.

Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa si cad u sheegay inay diyaar u yihiin ka qaybgalka wada-hadal dhab ah oo lagu gaari karo heshiis qaran oo ku saabsan doorashooyinka dalka, balse ay shuruud uga dhigayaan in:

  1. La joojiyo dhammaan tallaabooyinka doorasho ee hal dhinac ah, lana muujiyo daacadnimo buuxda oo ku aaddan wada-hadalka.
  2. La sameeyo hannaan dhexdhexaadin madax-bannaan oo ay dhinacyadu si wadajir ah ugu heshiiyaan.

Dhinaca kale, siyaasiyiinta mucaaradka ayaa tilmaamay inay muhiim tahay in heshiis siyaasadeed oo buuxa laga gaaro arrimaha doorashooyinka ka hor 15-ka May 2026, oo ku beegan dhammaadka muddada xilka Madaxweynaha, si looga fogaado khilaaf siyaasadeed oo horseedi kara xasillooni darro.

Ugu dambeyn, waxay sheegeen in haddii aan la helin is-afgarad dhab ah, ay qaadi doonaan tallaabooyin ay ku tilmaameen kuwo mas’uuliyadeed oo lagu ilaalinayo midnimada iyo jiritaanka dowladnimada Soomaaliya, iyagoo sidoo kale xusay in ay kaashan doonaan shacabka Soomaaliyeed.

Siyaasiyiinta mucaaradka oo shuruud ku xiray ka qayb-galka gogosha wada-hadalka madaxweynaha