Siyaasiyiinta mucaaradka oo go’aan ka gaaraya laba qodob oo si weyn isha loogu hayo

Xubnaha Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed iyo madaxda maamul goboleedyadda Puntland iyo Jubaland

Siyaasiyiinta mucaaradka oo ku mideysan Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa la filayaa inay maanta go’aan rasmi ah ka gaaraan laba qodob oo si weyn isha loogu hayo, kuwaas oo door muhiim ah ku leh jihada siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka iyo wadahadallada siyaasadeed ee kala dhaxeeya dowladda federaalka.

Qodobka koowaad ayaa la xiriira jawaabta laga bixinayo martiqaad uu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud u fidiyay Golaha, kaas oo ku beegan 10-ka bisha May, xilli muddo xileedkiisa uu xilligaasi ka harsanaan doonto 5 maalmood oo keliya.

Qodobka labaad ayaa ah soo bandhigidda qorshaha doorasho ee Golaha Mustaqbalka Soomaaliya, kaas oo la filayo inuu si toos ah uga hor yimaado aragtida madaxweyne Xasan Sheekh ee ku saleysan nidaamka doorasho “qof iyo cod” inkastoo aan weli laga gaarin heshiis siyaasadeed oo mideeya dhinacyada.

Wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in aqbalidda martiqaadka madaxweyne Xasan Sheekh lagu xiri doono saddex shuruudood oo muhiim ah, kuwaas oo Golaha Mustaqbalka Soomaaliya u arko inay lagama maarmaan u yihiin abuuridda jawi wadahadal oo lagu kalsoonaan karo

  1. In dowladda federaalka ay si degdeg ah u joojiso dhammaan hawlaha la xiriira doorashooyinka ee ay ka waddo maamul goboleedyada, isla maalinta la qorsheeyo wadahadalka.
  2. In la magacaabo ama la helo cid dhexdhexaad ah oo ay dhinacyadu ku kalsoon yihiin, maadaama uu horey u burburay kalsoonidii siyaasadeed ee labada dhinac u dhaxeeysay, muddo-xileedka dowladdana uu ku dhow yahay dhammaad.
  3. In dowladda ay shaaciso inay hakineyso xeerarka doorashooyinka ee hadda socda, oo ay ogoshahay in dib looga wada hadlo nooca doorasho, qaab-dhismeedka guddiyada, iyo habraacyada kale ee la xiriira.

Saddexdan shuruudood ayaa si cad u muujinaya heerka kala fogaanshaha siyaasadeed ee u dhaxeeya labada dhinac, waxayna tilmaamayaan in weli ay jiraan caqabado waaweyn oo hortaagan in la gaaro is-afgarad siyaasadeed oo rasmi ah.

Si kastaba ha ahaatee, go’aanka maanta laga soo saaro Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa la filayaa inuu si weyn u saameeyo jihada siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan dadaallada lagu doonayo in lagu gaaro nidaam doorasho oo lagu wada qanacsan yahay.