Golaha Mustaqbalka oo taageeray go’aanka Koonfur Galbeed

Siyaasiyiinta Mucaaradka ee ku mideysan Golaha Mustaqbalka Soomaaliya

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa si rasmi ah u taageeray madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya C/casiis Xasan Maxamed (Laftagareen), kaddib markii uu maamulkiisu ku dhawaaqay inuu gebi ahaan joojiyay xiriirkii uu la lahaa dowladda federaalka Soomaaliya.

War-saxaafadeed kasoo baxay golaha mustaqbalka ayaa lagu sheegay inay soo dhaweynayaan tallaabadaasi, iyagoo ku tilmaamay mid lagama maarmaan u ah ilaalinta madax-bannaanida maamul goboleedka iyo nidaamka federaalka.

Sidoo kale, golaha ayaa ku booriyay Madaxweyne Laftagareen inuu qaato talooyinkii hore ee ay soo jeediyeen, kuwaas oo ku saabsan hirgelinta doorasho dadban oo lagu soo dooranayo xubnaha baarlamaanka iyo hoggaanka ugu sarreeya Koonfur Galbeed.

Wararka la helayo ayaa tilmaamaya in qorsheyaal lagu diyaarinayo magaalada Baydhabo, halkaas oo la filayo in dhawaan lagu qabto ku dhawaaqista habraaca doorashooyinka baarlamaanka iyo madaxtinimada maamulka Koonfur Galbeed, inkastoo xaaladda amni iyo tan siyaasadeed ay weli tahay mid kacsan.

Dhinaca kale, dowladda federaalka Soomaaliya ayaa hore u shaacisay qorshe ku aaddan qabashada doorashooyin toos ah marka la dhammaystiro dastuurka federaalka, halka xaaladda hadda taagan ay muujinayso in qorshahaasi wajahayo caqabado siyaasadeed oo sii kordhaya, maadaama qaar ka mid ah maamul goboleedyada muhiimka ah, oo ay ka mid yihiin Puntland, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed aysan taageero buuxda u haynin.

Ugu dambeyn, maamulka Galmudug ayaa laga yaabaa inuu isna qaato aragti la mid ah seddaxda maamul goboleed ee Puntland, Jubaland iyo Koonfur Galbeed, maaddaama uusan si cad u muujin taageero uu u hayo geeddi-socodka dhammaystirka dastuurka federaalka Soomaaliya ee dhawaan la ansixiyay.

Si kastaba ha ahaatee, xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa gebi ahaan u muuqata mid sii cakirmaya, iyadoo khilaafaadka u dhaxeeya dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada dalka ay saameyn ku yeelanayaan geeddi-socodka dowlad-dhiska, doorashooyinka, iyo xasilloonida guud ee Soomaaliya.