Wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay war-saxaafadeed rasmi ah oo ku saabsan xil-haynta maamulada heer gobol iyo heer degmo ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in go’aankan lagu saleeyay qodobbo sharciyeed iyo xaaladaha siyaasadeed iyo amni ee ka jira deegaannada Koonfur Galbeed, si loo xaqiijiyo joogteynta howlaha maamulka iyo adeegyada bulshada.
Wasaaraddu waxay war-saxaafadeedka ku xustay inay tixraacday Qodobka 43-aad ee sharciga Lr. 116, oo soo baxay 6-dii Agoosto 2013, kaas oo saldhig u ah habraaca maamulka heer gobol iyo heer degmo.
Sidoo kale, waxay wasaaraddu tilmaamtay in muhiimad gaar ah la siiyay ka hortagga firaaq maamul oo saameyn ku yeelan karta xasilloonida iyo hannaanka dowladnimada.
Sida ku cad war-saxaafadeedka, dhammaan maamulada heer gobol iyo heer degmo ee ka jira maamul goboleedka Koonfur Galbeed waxay sii wadanayaan gudashada waajibaadkooda shaqo ilaa laga soo magacaabayo mas’uuliyiin cusub oo beddela, si waafaqsan sharciga iyo nidaamka dowladnimada.
Dhinaca kale, wasaaradda ayaa sheegtay inay latashiyo la yeelan doonto maamulka Koonfur Galbeed, si loo dardargeliyo dhismaha iyo buuxinta xilalka ka bannaan heerarka kala duwan ee maamulka.
Ugu dambeyn, war-saxaafadeedka ayaa lagu faray dhammaan hay’adaha ay khuseyso inay ka shaqeeyaan dhaqan-gelinta go’aankan, ayna gacan ka geystaan sugidda amniga, xasilloonida, iyo sii socoshada howlaha maamulka.
Si kastaba ha ahaatee, war-saxaafadeedkaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inuu yahay mid lagu ilaalinayo nidaamka dowladnimo, laguna xaqiijinayo in adeegyada iyo waajibaadka maamulka aysan hakad gelin inta lagu jiro marxaladda kala guurka.

