Madaxweyne Xasan Sheekh oo safar deg-deg ah ugu baxay magaalada Addis Ababa

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo dalka ka dhoofay

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta safar deg-deg ah ugu ambabaxay magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa lagu wadaa inuu magaalada Addis Ababa kulan kula yeesho ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, iyadoo la filayo in kulankaasi diiradda lagu saaro xaaladda cakiran ee ka taagan maamulka Koonfur Galbeed iyo doorka ciidamada Itoobiya ee ku sugan deegaannada maamulkaasi.

Sidoo kale, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa si gaar ah ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ugala hadli doona qorsheyaasha siyaasadeed ee la xiriira Koonfur Galbeed, xilli ay sii xoogeysanayaan xiisadaha u dhaxeeysa dowladda federaalka iyo maamulkaasi.

Safarka Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa lagu tilmaamay mid kooban, iyadoo wararku sheegayaan inuu si deg-deg ah ugu soo laaban doono magaalada Muqdisho, kadib marka uu soo gabagabeeyo kulanka Addis Ababa.

Si kastaba ha ahaatee, xiisadda siyaasadeed ee u dhaxeeysa dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Koonfur Galbeed ayaa maalmahii ugu dambeysay cirka isku shareertay, iyadoo wararka laga helayo gobolka Baay ay muujinayaan dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed iyo kuwo ciidan oo is barbar socda oo ay kala wadaan labada dhinac.