Koonfur Galbeed oo ka digtay in hubka qaranka loo adeegsado colaado gudaha ah

Guddoomiyaha baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cali Saciid Fiqi
Guddoomiyaha baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cali Saciid Fiqi

Guddoomiyaha baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cali Saciid Fiqi ayaa si kulul uga digay in hubka loogu talagalay difaaca qaranka Soomaaliya loo leexiyo colaado gudaha ah oo ka dhacaya deegaanada dalka.

Qoraal uu ku baahiyay bartiisa X, ayuu guddoomiyuhu ku sheegay in dowladda Masar ay hubkan markii hore Soomaaliya ugu deeqday si loogu xoojiyo awoodda difaaca qaranka Soomaaliyeed, loogana hortago khataraha amni ee dibadda iyo kuwa gudaha ee ka dhanka ah dowladnimada Soomaaliya, balse aan loo qorsheyn in lagu beegsado shacabka Soomaaliyeed ama lagu huriyo khilaafaad gudaha ah.

Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in hubkaasi hadda loo gacan gelinayo maleeshiyaad ku sugan deegaanka Burhakaba, kuwaas oo, sida uu tilmaamay, loo adeegsanayo falal ka dhan ah shacabka ku nool deegaannada Koonfur Galbeed, taas oo uu ku tilmaamay mid ka hor imaaneysa ujeeddadii loo keenay hubkaasi iyo mas’uuliyadda ka saaran hay’adaha dowladda ee ilaalinta amniga qaranka.

Waxa uu sidoo kale ka digay in si khaldan loo adeegsado hubka loogu talagalay difaaca qaranka ay horseedi karto sii hurinta xiisadaha siyaasadeed iyo kuwa amni, kala qeybsanaan bulsho, iyo khatar sii kordheysa oo soo wajahda dadka rayidka ah.

Dhinaca kale, mas’uuliyiinta dowladda federaalka Soomaaliya ayaan weli si rasmi ah uga hadlin eedeymaha iyo digniinahaan kasoo baxay guddoomiyaha baarlamaanka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cali Saciid Fiqi.

Si kastaba ha ahaatee, hadalkan kasoo yeeray guddoomiyaha baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa kusoo beegmaya xilli ay isa soo tarayaan walaacyada laga muujinayo maamulka hubka dowladda iyo sida loo adeegsado, iyadoona sidoo kale ay jiraan cabsi laga qabo in xaaladda amni ee Koonfur Galbeed kasii darto haddii aan si degdeg ah wax looga qaban.