Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay qaaday tallaabooyin amni oo adag oo lagu xakameynayo dhaqdhaqaaqyada siyaasiyiinta mucaaradka, si looga hortago in hub iyo ciidamo hubeysan ay soo galaan magaalada Muqdisho.
Warar laga helayo ilo lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijinaya in ciidamada ammaanka ee ku sugan jidgooyinka magaalada Muqdisho lagu amray inay xoojiyaan kormeerka, isla markaana ay joojiyaan gaadiidka iyo kooxaha hubeysan ee aan hoos imaan hay’adaha amniga dowladda.
Saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka ayaa sheegay in go’aankan uu ujeeddadiisu tahay ka hortagga soo gelitaanka hub culus iyo kooxo hubeysan oo aan ka tirsanayn ciidanka dowladda, kuwaas oo laga cabsi qabo inay carqaladeeyaan amniga caasimadda.
Dhinaca kale, siyaasiyiinta mucaaradka oo maalmihii u dambeeyay kulamo siyaasadeed ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa si adag uga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, iyagoo caddeeyay inaysan aqbali doonin wax muddo kordhin ah oo loo sameeyo hay’adaha dowladda, isla markaana ay diidan yihiin hannaan doorasho oo aan lagu gaarin heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay.
Mucaaradku waxay sidoo kale ku doodeen in hay’adaha dowladda federaalka aysan lahayn sharciyad ay ku sii shaqeeyaan wixii ka dambeeya 15-ka May 2026, arrintaas oo ay ku tilmaameen mid xasaasi u ah hannaanka kala guurka siyaasadeed ee dalka.
Si kastaba ha ahaatee, xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya ayaa u muuqata mid xasaasi ah, iyadoo tallaabooyinka amni ee dowladda iyo hadallada adag ee mucaaradka ay sare u qaadayaan baaqyada ku aaddan in la billaabo wada-hadallo siyaasadeed oo dhammaystiran, si looga hortago xiisado hor leh oo saameyn ku yeesha amniga iyo xasilloonida guud ee dalka.