Taliyaha ciidanka xoogga dalka oo booqasho ku tagay degmada Xudur

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa booqasho shaqo ku tagay degmada Xudur ee gobolka Bakool, halkaas oo si heer sare ah loogu soo dhaweeyay isaga iyo wafdigiisa.

Taliyaha iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha ee degmada Xudur kusoo dhaweeyay saraakiisha guutada 9-aad ee ciidanka xoogga dalka, mas’uuliyiinta maamulka degmada, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada deegaanka.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka ayaa booqday dugsiga tababarka ciidanka ee Xudur, wuxuuna halkaasi kula kulmay cutubyo cusub oo ka tirsan ciidanka dowladda oo halkaasi tababar uga socda.

Wuxuu sheegay in cutubyadan cusub la filayo in dhawaan tababarkooda loo soo gabagabeeyo, ayna si rasmi ah uga mid noqdaan howlgalada lagu ciribtirayo Al-shabaab.