Madaxweynaha Puntland, Saciid C/laahi Deni, ayaa xalay kulan wadatashi ah la yeeshay isimada dhaqanka, saraakiil hore iyo siyaasiyiin kasoo jeeda deegaanada Puntland, si loo qiimeeyo xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo jihada doorashooyinka soo socda.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray arrimaha doorashooyinka Soomaaliya, gaar ahaan doorka Puntland iyo sida looga gudbi karo khilaafaadka soo noqnoqday ee la xiriira hannaanka doorashooyinka.
Madaxweyne Deni ayaa soo bandhigay aragti cad oo ku saabsan sida Puntland u wajahayso marxaladdan xasaasiga ah, isagoo carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo hannaan doorasho oo hufan oo lagu kalsoonaan karo.
Madaxweynaha ayaa caddeeyay in uusan ka qeyb qaadan doonin xulista xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka ee ku matalaya Puntland, isagoo hoosta ka xariiqay in mas’uuliyaddaas si buuxda loogu daayo beelaha Soomaaliyeed, taas oo uu sheegay inay xaqiijinayso hufnaan isla markaana laga fogaanayo muran siyaasadeed oo hor leh.
Dhinaca kale, madaxweyne Deni ayaa sheegay in maamulka uu hoggaamiyo uusan oggolaan doonin wax ka beddel lagu sameeyo dastuurka KMG ah, ilaa laga gaaro is-afgarad ballaaran oo ay wada aqbalaan dhammaan dhinacyada siyaasadda.
Ugu dambeyn, kulankan wadatashiga ah ayaa muujinaya dadaallada Puntland ay ku doonayso inay door muuqda uga qaadato xal u helidda xaaladda siyaasadeed ee cakiran, iyadoo ay sii kordhayaan baaqyada ku aaddan in dhinacyada siyaasadda ay gaaraan heshiis mideysan oo dalka u horseeda doorasho loo dhan yahay.