Dowladda Mareykanka oo joojisay kaalmooyinkii ay siin jirtay dowladda federaalka Soomaaliya

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay inay joojisay dhammaan kaalmooyinkii ay siin jirtay dowladda federaalka Soomaaliya, iyadoo taasi ku sababaysay in mas’uuliyiin ka tirsan dowladda ay burburiyeen xarun bakhaar ah oo ay ka howlgali jirtay hay’adda Barnaamijka Cunnada Adduunka ee WFP, kaas oo ay maal-gelisay dowladda Mareykanka.

Maamulka madaxweyne Donald Trump ayaa ku eedeeyay mas’uuliyiinta dowladda federaalka Soomaaliya inay qabsadeen 76 tan oo mitirik ah oo cunto gargaar ah oo ay maal-gelinayeen deeq-bixiyeyaasha, taasoo loogu talagalay dadka Soomaaliyeed ee baahan.

“Waxa uu Mareykanku si weyn uga walaacsan yahay wararka sheegaya in mas’uuliyiinta ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya ay burburiyeen bakhaar ka tirsan Barnaamijka Cunnada Adduunka (WFP) oo ay Mareykanku maal-gelisay, sidoo kalena si sharci-darro ah u qabsadeen 76 tan oo mitirik ah cunto gargaar ah oo ay deeq-bixiyayaashu maal-gelinayeen, taasoo loogu talagalay dadka Soomaaliyeed ee nugul,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Qoraalkaan ayaa lagu soo baahiyay baraha warbaahinta bulshada ee ku matalaya xoghayaha hoose ee waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka ee kaalmada dibadda, arrimaha bani’aadannimada iyo xorriyadda diinta.

Illaa iyo haatan mas’uuliyiinta dowladda federaalka Soomaaliya weli wax jawaab ah kama aysan bixin eedeymaha ku saabsan xatooyada kaalmooyinka ee uu Mareykanku u jeediyay.

Si kastaba ha ahaatee, tallaabadan adag ayaa u muuqata mid uu maamulka Trump ku wiiqayo Soomaalida, iyadoona bilihii u dambeeysay uu madaxweyne Trump dhaleeceyn xooggan u jeediyey Soomaalida ku nool Mareykanka, islamarkaana xaddiday gelitaanka Soomaalida ee dooneysa inay galaan dalkaasi.