Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Faarax Sheekh C/qaadir, ayaa ku dhawaaqay amar lagu farayo dadka deggan dhulka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed inay si deg-deg ah uga guuraan, si halkaasi dib loogu dhiso loogana faa’iideeyo bulshada.
Wasiirka ayaa hadalkan ka sheegay munaasabadda dhagax-dhigga mashruuca casriyeynta Jaamacadda Ummadda, gaar ahaan qeybta Gaheyr, isagoo sheegay in dhulkaasi uu yahay hanti qaran oo loogu talagalay adeegga waxbarashada iyo danta guud ee bulshada Soomaaliyeed.
“Waxaa halkaan baaq gaar ah uga dirayaa dadka deggan dhulka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, waa inay si deg-deg ah uga guuraan, si dib loogu dhiso loogana faa’iideeyo bulshada, waa dhul dan guud ah, oo ay umadda Soomaaliyeed wada leeyihiin” Ayuu yiri Faarax Sheekh C/qaadir.
Dhinaca kale, Guddoomiyaha Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, Dr. Maxamed Maxamuud, oo isna ka hadlay munaasabadda, ayaa si diirran u soo dhaweeyay bilawga dib u dhiska jaamacadda, isagoo ku tilmaamay tallaabo muhiim u ah horumarinta waxbarashada sare ee dalka.
Guddoomiyaha ayaa sidoo kale uga mahadceliyay Wasaaradda Waxbarashada dadaalka ay ku bixinayso dib u soo noolaynta iyo tayeynta xarumaha Jaamacadda Ummadda, isagoo sheegay in mashruucan uu kor u qaadi doono tayada waxbarashada iyo adeegyada tacliinta sare ee dalka.
“Waxaan uga mahadcelinaynaa wasaaradda waxbarashada sida ay ahmiyad weyn u siinayso dib u dhiska iyo tayeynta xarumaha Jaamacadda Ummadda,” Ayuu yiri Guddoomiye Dr. Maxamed Maxamuud.
Si kastaba ha ahaatee, tallaabadan ayaa qeyb ka ah dadaallada dowladda federaalka Soomaaliya ay ku doonayso in dib loogu soo celiyo hantida danta guud, gaar ahaan xarumaha waxbarasho ee muhiimka u ah horumarka dalka.