Siyaasiyiinta mucaaradka oo kulan xasaasi ah ku yeelanaya magaalada Muqdisho

Siyaasiyiinta mucaaradka ee golaha mustaqbalka Soomaaliyeed iyo madaxda maamul goboleedyada Puntaland iyo Jubaland

Siyaasiyiinta mucaaradka ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa maanta la filayaa inay yeeshaan kulan xasaasi ah oo ay kaga arrinsanayaan jihada doorashooyinka dalka, iyadoo laga sugayo go’aan muhiim ah xilli ay sii xoogeysanayso xiisadda siyaasadeed ee u dhaxeysa dowladda federaalka iyo mucaaradka.

Kulankan ayaa la filayaa in siyaasiyiinta mucaaradka ay kusoo bandhigaan nooc doorasho oo ay u arkaan mid fududeyn kara in dalka uu uga gudbo marxaladda kala-guurka, kaddib muranka hareeyay dhammaadka muddo-xileedka hay’adaha dowladda.

Ilo ku dhow kulanka ayaa sheegaya in qorshahan uu yahay mid ay ku mideysan yihiin qaar ka mid ah maamul goboleedyada dalka, gaar ahaan Puntland iyo Jubaland, taas oo muujinaysa dadaal lagu doonayo in la dhiso is-afgarad siyaasadeed oo ballaaran.

Mucaaradka ayaa sidoo kale la filayaa inay soo saaraan bayaan rasmi ah oo ay ku caddeynayaan mowqifkooda siyaasadeed, kaddib kulamo isdaba joog ah oo ay la yeesheen qeybaha kala duwan ee bulshada, oo ay ku jiraan odayaasha dhaqanka, culimada, haweenka iyo dhalinyarada, si ay u helaan taageero iyo talooyin ku saabsan xallinta khilaafka taagan.

Dhinaca kale, madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa weli ku adkeysanaya hirgelinta doorasho qof iyo cod ah, isagoo ku doodaya in nidaamkaasi yahay mid muhiim u ah dimuqraadiyeynta dalka, taasoo sii kordhisay kala duwanaanta siyaasadeed ee u dhaxeeysa mucaaradka iyo dowladda federaalka Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee, xaaladda guud ee dalka ayaa haatan ah mid xasaasi ah, iyadoo Soomaaliya ay ku jirto marxalad kala-guur ah oo siyaasadeed, isla markaana ay barbar socoto xaalad bani’aadanimo oo ka dhalatay abaaraha ka jira qaybo ka mid ah dalka, taas oo sii kordhinaysa culayska jira.