Maamulka Jubaland oo duleedka degmada Beled-Xaawo kusoo bandhigay ciidamo cusub

Maamulka Jubaland oo duleedka degmada Beled-Xaawo kusoo bandhigay ciidamo cusub

Maamulka Jubaland ayaa duleedka degmada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo kusoo bandhigay ciidamo cusub oo dhammaystay tababar militari, kuwaas oo si heer sare ah loogu qalabeeyay gaadiid dagaal iyo hub kala duwan.

Saraakiil ka tirsan maamulka Jubaland oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in ciidamada cusub loo diyaariyay howlgal militari oo la xiriira xaaladda degmada Beled-Xaawo, iyagoo si cad u tilmaamay in ujeeddadu tahay “dib ula wareegidda” degmadaasi.

Dhinaca kale, degmada Beled-Xaawo waxaa haatan ku sugan ciidamo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya, kuwaas oo la wareegay gacan ku haynta degmada bilihii la soo dhaafay, kadib dagaalo halkaasi ka dhacay.

Jubaland ayaa dhankeeda ku eedeysay dowladda federaalka Soomaaliya inay faragelin toos ah ku hayso arrimaha gobolka Gedo, isla markaana ay qaaday tallaabooyin ay ku tilmaantay kuwo ka baxsan heshiisyada iyo nidaamka federaalka.

Dowladda federaalka Soomaaliya weli si rasmi ah ugama aysan jawaabin eedeymahaas, sidoo kalena kama aysan hadlin dhoolatuska ciidamada cusub ee Jubaland ay ku soo bandhigtay duleedka Beled-Xaawo.

Si kastaba ha ahaatee, xaaladda gobolka Gedo ayaa weli ah mid kacsan, iyadoo si gaar ah indhaha loogu hayo degmada Beled-Xaawo oo horey uga mid ahayd meelaha ay ka dhaceen iska hor imaadyo sababay khasaare iyo barakac, taas oo sii kordhinaysa walaaca laga qabo xasilloonida guud ee gobolka.