Dowladda oo bayaan adag kasoo saartay maraakiibta Shiinaha ee ku sugan Soomaaliya

Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Bayaan kasoo baxay Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu faahfaahiyay xaaladda kalluumeysiga caalamiga ah ee ka socda aagga dhaqaalaha gaarka ah ee badda Soomaaliya (EEZ).

Wasaaraddu waxay caddeysay in maraakiibta kalluumeysiga ee laga leeyahay dalka Shiinaha ee ka howlgala biyaha Soomaaliya ay ku shaqeeyaan si sharci ah, iyagoo u hoggaansamaya shuruucda dalka iyo xeerarka caalamiga ah ee kalluumeysiga.

Maraakiibtan ayaa ku shaqeeya ruqsado rasmi ah oo ay bixisay Dowladda Federaalka Soomaaliya, taas oo ka turjumaysa iskaashi soo jireen ah oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha.

Sida lagu sheegay bayaanka, iskaashigan ayaa diiradda saaraya ka faa’iideysiga khayraadka badda si sharciyeysan, isla markaana qeyb ka ah horumarinta dhaqaalaha buluugga ah ee Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale muujisay sida ay u qiimeyneyso xiriirka istiraatiijiyadeed ee ay la leedahay Shiinaha, gaar ahaan dhinacyada kalluumeysiga iyo horumarinta dhaqaalaha badda, iyadoo la ilaalinayo madax-bannaanida iyo kheyraadka dabiiciga ah ee dalka.

Dhinaca kale, wasaaraddu waxay si adag u cambaareysay falalka sharcidarrada ah ee ka dhaca biyaha Soomaaliya, oo ay ka mid yihiin kalluumeysiga aan ruqsadda lahayn, ku xadgudubka biyaha dalka iyo afduubka maraakiibta ay geystaan kooxo dambiileyaal ah.

Wasaaraddu waxay sheegtay in falalka noocan ah ay khatar ku yihiin amniga badda isla markaana ay ku xadgudbaan xeerarka caalamiga ah.

Wasaaraddu waxay sidoo kale soo dhaweysay sii deynta markab kalluumeysi oo laga leeyahay dalka Shiinaha oo hore loogu haystay gudaha biyaha Soomaaliya, waxayna uga mahadcelisay hay’adaha ay khuseyso iyo bulshada deegaanka doorkii ay ka qaateen badbaadinta markabka iyo shaqaalihii saarnaa.

Sidoo kale, wasaaraddu waxay sheegtay inay sii wadi doonto xoojinta kormeerka iyo ilaalinta aagga dhaqaalaha gaarka ah ee Soomaaliya (EEZ), iyadoo kaashaneysa hay’adaha amniga iyo la-hawlgalayaasha kale, si looga hortago falalka sharcidarrada ah ee ka dhaca badda Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhiirrigelisay shirkadaha kalluumeysiga ee haysta ruqsadaha inay sii wataan howlaha sharciyeysan ee ay ka wadaan biyaha dalka, iyadoo dowladda ay ballanqaadday inay ilaalin doonto amniga badda iyo badqabka maraakiibta iyo shaqaalahooda.

Baqaaynka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo English ku qoran