Howlgallo ka dhacay Mudug iyo Hiiraan oo lagu dilay 22 ka tirsan Al-shabaab

Hay'adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka Soomaaliya (NISA)

Hay’adda sirdoonka iyo nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa sheegtay in howlgal qorsheysan oo ay si wadajir ah u fuliyeen ciidamadeeda, iyagoo kaashanaya saaxiibada caalamka, lagu dilay maleeshiyaad iyo horjoogeyaal ka tirsan kooxda Al-shabaab, kuwaas oo ka kala dhacay gobollada Hiiraan iyo Mudug.

War-saxaafadeed ay hay’addu soo saartay ayaa lagu sheegay in howlgaladan lagu dilay in ka badan 22 xubnood oo ka tirsanaa kooxda, kuwaas oo la sheegay inay abaabulayeen falal amni darro oo lid ku ah shacabka Soomaaliyeed.

Howlgalka koowaad ayaa ka dhacay deegaanka Dumaaye ee gobolka Mudug, halkaas oo lagu beegsaday goob ay ku sugnaayeen maleeshiyaad iyo horjoogeyaal sare oo ka tirsan Al-shabaab. Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka, weerarkaasi waxaa lagu dilay illaa 15 xubnood, oo ay ku jireen horjoogeyaal muhiim u ahaa kooxda.

Horjoogeyaasha la dilay waxaa ka mid ahaa Xudeyfa Galinle, oo lagu sheegay gacanyarihii wakiilka kooxda ee Mudug, Qataatow, oo ahaa madaxii hore ee maleeshiyaadka Mudug, iyo Cabdiraxmaan Garwayne, oo ahaa madaxii marin-habaabinta ee deegaanka Jowle. Sidoo kale waxaa la dilay Daahir, oo lagu sheegay inuu ahaa madaxii baadda ee deegaanada Dumaaye iyo Dabagalo, iyo Cabdiwali, oo ahaa horjoogihii hore ee maleeshiyaadka Bacaadweyne.

Dhinaca kale, howlgal kale oo ka dhacay degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa lagu bartilmaameedsaday laba guri oo ay ku sugnaayeen horjoogeyaal iyo maleeshiyaad ilaalo u ahaa Mustaf Caato, oo lagu sheegay horjoogaha maleeshiyaadka Al-shabaab ee gobolka Hiiraan.

Howlgalkaasi ayaa lagu dilay toddobo xubnood oo kale oo ka tirsanaa kooxda, kuwaas oo ay ku jireen laba horjooge oo muhiim u ahaa dhinaca maaliyadda kooxda, kuwaas oo kala ahaa Qaliif Muumin Sabriye iyo Cismaan Cabdulle Faarax. Sidoo kale howlgalka waxaa lagu burburiyay gaadiid ay isticmaalayeen horjoogeyaasha kooxda.

NISA ayaa sheegtay in howlgaladan ay qeyb ka yihiin dadaallada ay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo saaxiibadeeda caalamka ku wadaan la dagaallanka Al-shabaab, si loo xoojiyo amniga loogana hortago qorshayaasha kooxda ee ka dhanka ah shacabka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn, Hay’adda NISA ayaa ku boorisay shacabka inay sii wadaan la shaqeynta hay’adaha amniga, isla markaana ay soo gudbiyaan xog kasta oo la xiriirta dhaq-dhaqaaqyada Al-shabaab ama khataraha amni ee laga yaabo inay ka jiraan goobaha ay ku sugan yihiin.

Howlgallo ka dhacay Mudug iyo Hiiraan oo lagu dilay 22 ka tirsan Al-shabaab