Wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Doha ee caasimadda dalka Qatar, halkaas oo si diirran loogu soo dhaweeyay.
War-saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay inta uu madaxweyne Xasan Sheekh ku sugan yahay dalka Qatar uu halkaasi kulamo heersare kula yeelan doonno madaxda dalkaasi.
Kulamadaasi ayaa la sheegay inay noqon doonaan kuwo miro-dhal ah, isla markaana diiradda lagu saari doono sidii loo sii xoojin lahaa wada-shaqeynta labada dal, gaar ahaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha siyaasadda.

Dhinaca kale, booqashada Madaxweyne Xasan Sheekh ee dalka Qatar ayaa qeyb ka ah dadaallada diblomaasiyadeed ee Soomaaliya, kuwaas oo lagu xoojinayo xiriirka caalamiga ah, lagu difaacayo danaha qaranka, laguna raadinayo taageero caalami ah si loo adkeeyo xasilloonida, madax-bannaanida iyo horumarka dalka.

Si kastaba ha ahaatee, dowladda federaalka Soomaaliya ayaa si joogto ah u shaqeysa xoojinta xiriirka ay la leedahay dalalka saaxiibka la ah, gaar ahaan kuwa ka taageera horumarinta, nabadgelyada, iyo dib-u-dhiska hay’adaha dowladda.