Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inaysan kasoo horjeedin banaanbax nabadeed oo ay mucaaradku ku qabtaan magaalada Muqdisho, balse ay diidan tahay tallaabo kasta oo lagu siyaasadeeyo banaanbaxa ama lagu carqaladeynayo amniga iyo xasilloonida caasimadda.
Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladda ay oggolaatay in banaanbaxa mucaaradka lagu qabto garoonka ciyaaraha Injineer Yariisow, oo hore loogu yiqiin Stadium Koonis, balse aysan suurtagal ahayn in banaanbaxu ka dhaco meel ka baxsan goobtaasi.
Wasaaradda ayaa digniin ka bixisay in banaanbaxu isu beddelo mid rabshado wata ama bulshada lagu kala fogeynayo, iyadoo sheegtay in dowladda ay ka go’an tahay ilaalinta amniga guud iyo badqabka shacabka Muqdisho.
“Dowladdu ma diidana banaanbax nabadeed oo sharci waafaqsan, balse lama aqbali doono banaanbaxyo abuuri kara rabshado, qalalaase ama kicin bulsho” Ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka dowladda.
Dhinaca kale, dowladda federaalka Soomaaliya ayaa walaac ka muujisay kooxo hubeysan oo sida ay sheegtay lala xiriirinayo siyaasiyiinta mucaaradka, kuwaasi oo lagu arkay qaybo kamid ah magaalada Muqdisho.
Ugu dambeyn dowladda federaalka ayaa sheegtay in ciidamada ammaanka ee lagu daadiyay waddooyinka magaalada Muqdisho ay u joogaan sugidda amniga iyo ka hortagga falal rabshado wata, iyadoo tallaabadaasi lagu tilmaamay mid lagu ilaalinayo shacabka iyo xarumaha muhiimka ah ee caasimadda.