Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa si kulul u cambaareeyay weerar uu sheegay in ciidamada dowladda federaalka ay maanta ku qaadeen dad ku banaanbaxayay degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho.
Khayre ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay rasaas u adeegsadeen dad rayid ah oo si nabad ah u dhigayay banaanbax, taas oo sababtay dhimashada hal qof iyo dhaawaca dad kale oo shacab ah.
“Waxaan si adag u cambaareynayaa weerarka arxan-darrada ah ee taliska Madaxweyne Xasan Sheekh maanta ku qaaday shacab si nabdoon ugu banaanbaxay degmada Dayniile oo ay muwaadin Soomaaliyeed ku dileen, tiro kalena ay ku dhaawaceen” Ayuu yiri Xasan Cali Khayre
Sidoo kale, Xasan Cali Khayre ayaa falkaasi ku tilmaamay mid “arxan-darro ah” oo ka dhan ah xorriyadda shacabka ay u leeyihiin inay si nabad ah u muujiyaan cabashooyinkooda iyo aragtidooda siyaasadeed.
Khayre ayaa sheegay in goobta uu ka dhacay falkaasi ay goobjoog ka ahayd Xildhibaan Faa’iso Jayte, oo weerarkaasi si dirqi ah kaga badbaaday, balse nasiib darro uu ku geeriyooday hal qof, halka dad kalena ay ku dhaawacmeen.
“Weerarkan lagu qaaday shacabka ku banaanbaxayay degmada Dayniile waa mid ayaan darro ah oo ay ciidanka dowladda ku kaceen, dadka halista ku galay weerarkaasi waxaa ka mid ahaa xildhibaanad Faa’iso Jayte oo si dirqi ah kaga badbaaday, waxayna arrintaasi muujinaysaa caburinta iyo cadaadiska lagu hayo dadka rayidka ah,” Ayaa yiri Xasan Cali Khayre.
Dhinaca kale, Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in tan iyo xalay guryaha siyaasiyiinta mucaaradka lagu horgooyay ciidamo badan, kuwaas oo loo diiday inay albaabka ka baxaan.
“Illaa iyo xalay waxaa ciidan dul yaalay dhammaan siyaasiyiinta mucaaradka, meel walba oo ay magaalada ka joogaan, qof walbo oo annaga naga mid ah oo isku dayay inuu saakay albaabka ka baxo waxaa lagu horgooyay ciidan, waxaana la qatar geliyay nafsadooda” Ayuu yiri Xasan Cali Khayre.
Ugu dambeyn, Xasan Cali Khayre ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay u istaagaan sidii ay isaga dul qaadi lahaayeen dowladda federaalka uu madaxweynaha ka yahay Xasan Sheekh Maxamuud islamarkaana u muujiyaan midnimo iyagoo dib isu abaabulaya.