Dowladda Shiinaha oo shaacisay inay sare u qaadayso iskaashiga amni ee Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Shiinaha Wang Yi

Wasiirka arrimaha dibadda ee Shiinaha, Wang Yi, ayaa kulan gaar ah la yeeshay diblomaasiyiinta dalkiisa ee ku sugan magaalada Muqdisho, kaas oo diiradda lagu saaray xaaladda amni ee Soomaaliya iyo doorka Shiinaha ee taageerada dadaallada lagu xoojinayo amniga iyo xasilloonida dalka.

Kulankan ayaa qeyb ka ahaa safarro iyo kulammo ay dowladda Shiinuhu ku qiimeyneyso xaaladda muwaadiniinteeda iyo mashaariicda ay ka fuliso dalalka ay ka jiraan xaaladaha amni ee adag.

Wasiir Wang Yi ayaa si gaar ah u dhageystay warbixinno ay soo gudbiyeen saraakiisha safaaradda Shiinaha ee Muqdisho, kuwaas oo sharaxay xaaladda amni ee ay ku shaqeeyaan diblomaasiyiinta iyo shaqaalaha Shiinaha ee ka howlgala Soomaaliya.

Warbixinta ayaa sidoo kale ka hadashay caqabadaha amni ee ka jira qaar ka mid ah goobaha ay ka socdaan mashaariicda horumarineed, iyo sida ay safaaraddu ula socoto badqabka muwaadiniinta Shiinaha ee ku sugan dalka.

Diblomaasiyiintu waxay xuseen in Shiinuhu uu si joogto ah u taageero dadaallada dowladda federaalka Soomaaliya ee lagu xoojinayo ciidamada ammaanka iyo la dagaallanka kooxaha argagixisada.

Wasiir Wang Yi ayaa kulanka ku caddeeyay in dowladda Shiinaha ay sii xoojin doonto tallaabooyinka lagu ilaalinayo badqabka muwaadiniinteeda iyo shaqaalaha ka howlgala Soomaaliya, gaar ahaan kuwa ku sugan deegaannada ay ka jiraan khataraha amni, wuxuuna sidoo kale sheegay in Beijing ay mudnaan gaar ah siinayso ilaalinta danaha dhaqaale iyo mashaariicda horumarineed ee ay ka wadaan dalka.

Sidoo kale, wasiirka ayaa hoosta ka xarriiqay in Shiinuhu uu sii wadi doono taageerada uu siiyo Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada la xiriira xoojinta awoodda ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo taageerada dadaallada lagu sugayo amniga.

Ugu dambeyn, wuxuu wasiirka xusay in iskaashiga Shiinaha iyo Soomaaliya uu ku saleysan yahay mabda’a ixtiraamka madax-bannaanida dalalka iyo xoojinta xiriirka saaxiibtinimo ee soo jireenka ah ee labada dal ka dhaxeeya.

Kulankan ayaa kusoo aadaya xilli dowladda federaalka Soomaaliya ay sare u qaaday howlgallada milatari ee ka dhanka ah kooxda Al-shabaab, iyadoo sidoo kale dadaal ugu jirta sidii ay u heli lahayd taageero iyo iskaashi caalami ah oo lagu xasilinayo dalka, loona xoojinayo la dagaallanka kooxaha argagixisada sida Al-shabaab iyo Daacish.

Dowladda Shiinaha ayaa kamid ah dalalka caalamka ee xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashi dhaqaale la leh Soomaaliya, waxaana ay door muuqda ku leedahay taageerada mashaariicda horumarineed iyo xoojinta iskaashiga labada dal.