Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay xarunta agaasinka waxbarashada gobolka Banaadir, kaddib dib-u-dhis iyo dayactir ballaaran oo lagu sameeyay xaruntaasi.
Guddoomiye Muungaab ayaa intii uu kormeerka ku guda jiray waxa uu warbixin faahfaahsan ka dhageystay mas’uuliyiinta iyo howlwadeennada kala duwan ee agaasinka waxbarashada gobolka Banaadir, kuwaas oo soo bandhigay howlaha socda iyo qorshayaasha lagu horumarinayo adeegyada waxbarashada ee gobolka.

Dr. Muungaab ayaa uga mahadceliyay agaasinka waxbarashada shaqada ay u hayaan bulshada, isaga oo xusay in maamulka gobolka Banaadir uu mudnaan gaar ah siinayo horumarinta waxbarashada, isagoona carrabka ku adkeeyay in maamulka uu ka go’an yahay in carruurta ku nool caasimadda ay helaan waxbarasho tayo leh oo bilaash ah, si waalidiinta canshuur-bixiyeyaasha ah ay fursad ugu helaan in ubadkooda waxbarasho wanaagsan u helaan.

Duqa Muqdisho ayaa sidoo kale sheegay in dhawaan uu saxiixay miisaaniyad ku dhow $300,000, taas oo loogu talagalay horumarinta dugsiyada waxbarashada ee gobolka Banaadir sanad dugsiyeed kasta.
Wuxuu intaas ku daray in qorshayaal kale ay socdaan oo lagu dhisi doono dugsiyo waaweyn oo cusub si loo ballaariyo fursadaha waxbarasho ee ardayda.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in la fududeeyay habka lagu heli karo shahaadada dugsiga dhexe oo horey uga jiray caqabado, isaga oo ku boorriyay bahda waxbarashada in imtixaannada sanad dugsiyeedka loo qaado si hufan, caddaalad ah, isla markaana waafaqsan nidaamka waxbarashada.


Ugu dambeyn, Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa waalidiinta ugu baaqay inay carruurtooda u diraan dugsiyada waxbarashada, si loo xoojiyo dadaallada lagula dagaallamayo jahligga loona horumariyo mustaqbalka jiilka soo koraya.