Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag uga digtay in dhulkeeda loo adeegsado saldhig ama meel laga bilaabo hawlgallo militari oo ka dhan ah dalal kale, kaddib warar soo baxay oo sheegaya in Israa’iil ay qorsheynayso inay saldhig ciidan ka dhisto magaalada Berbera ee Somaliland.
Wasiiru-dawlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Cumar Cali (Cali Balcad), oo wareysi siiyay warbaahinta Al Jazeera, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya aysan marnaba ogolaan doonin in dhulkeeda lagu soo jiido iska-horimaadyo dibadeed ama loo adeegsado siyaabo xasilooni darro gelin kara gobolka.
Wuxuu caddeeyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay tahay hay’adda keliya ee sharci ahaan u matali karta dalka marka laga hadlayo heshiisyada amniga iyo militariga ee lala galo dalal shisheeye.
Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in Soomaaliya ay ka go’an tahay ilaalinta madax-bannaanida dalka, midnimada dhuleed iyo xasilloonida gobolka, isla markaana aysan aqbali doonin wax tallaabo ah oo halis gelin karta arrimahaas.
Dhinaca kale, Wasiirka Madaxtooyada Somaliland, Khadar Cabdi, ayaa wareysi uu siiyay Bloomberg ku sheegay in Somaliland ay xiiseynayso inay la yeelato xiriir istaraatiiji ah oo ay la sameyso Israa’iil.
Wuxuu sheegay in arrinta ku saabsan saldhig militari aan weli si rasmi ah looga wada hadlin, balse suurtagal ay tahay in mustaqbalka la falanqeeyo.
Si kastaba ha ahaatee, hadalkan Wasiiru-dawlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cali Balcad ayaa imaanaya xilli dhawaan wargeyska caalamiga ah ee Bloomberg uu shaaciyay in Israa’iil ay ka fiirsaneyso inay saldhig militari ka sameysato duleedka magaalada Berbera ee dhulka ay maamusho Somaliland.