Dowladda Turkiga oo shaacisay in afar markab dagaal ah u soo dirtay xeebaha Soomaaliya

Dowladda Turkiga oo shaacisay in afar markab dagaal ah u soo dirtay xeebaha Soomaaliya

Dowladda Turkiga ayaa shaacisay in biyaha Soomaaliya ay usoo dirtay afar markab oo dagaal ah, kuwaas oo ka qeyb qaadan doonno sugidda amniga badda iyo ka hortagga falalka sharci darrada ah ee ka dhici kara xeebaha Soomaaliya.

Afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga Turkiga, Admiral Zeki Aktürk, ayaa sheegay in maraakiibta la kala yiraahdo TCG Göksu, TCG Bayraktar, TCG Bartın iyo TCG YZB. Güngör Durmuş ay kusoo wajahan yihiin Soomaaliya, islamarkaana la filayo inay gaaraan biyaha dalka 16-ka Maarso 2026, oo ku beegan maalinta Isniinta ah ee toddobaadka soo socda.

Tallaabadan ayaa qeyb ka ah dadaallo uu Turkiga ku xoojinayo iskaashiga amni ee kala dhaxeeya Soomaaliya, gaar ahaan dhinaca ilaalinta xeebaha iyo sugidda amniga badda, xilli dalka Soomaaliya uu sii ballaarinayo howlaha sahminta iyo qodista shidaalka ee ka socda biyaha dalka.

Saraakiil ka tirsan dowladda Turkiga ayaa tilmaamay in maraakiibtan ay la shaqeyn doonaan ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, si loo xoojiyo wada shaqeynta dhinaca amniga badda.

Inkastoo aan la shaacin tirada ciidamada Soomaaliyeed ee ku lug yeelan doona howlgalka, haddana waxaa la sheegay inay qeyb ka noqon doonaan howlaha ilaalinta iyo la socodka dhaqdhaqaaqyada ka socda biyaha dalka.

Dowladda Turkiga ayaa horay ugu dirtay biyaha Soomaaliya saddex markab oo dagaal iyo kuwo galbinaya markabka sahminta shidaalka, taas oo ka dhigan in Turkigu uu howlgal ballaaran ka wado biyaha Soomaaliya, iyadoo tirada guud ee maraakiibta ku sugan halkaasi ay gaareyso in ka badan toban markab oo isugu jira kuwa dagaal iyo kuwa ilaalin ah.

Marka maraakiibtan cusub ay soo gaaraan magaalada Muqdisho, waxaa la qorsheeyay inay halkaasi uga sii gudbaan dhanka Badda Cas, halkaas oo ay ka sii wadi doonaan howlgalka ilaalinta biyaha Soomaaliya, iyagoo fulinaya heshiiska iskaashi ee dhinaca amniga badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Turkiga.

Si kastaba ha ahaatee, iskaashiga milatari ee u dhaxeeya labada dal ayaa si weyn u soo kordhay sannadihii la soo dhaafay, iyadoo Turkigu door muuqda ka qaatay tababarka iyo qalabaynta ciidamada Soomaaliya, gaar ahaan ciidamada badda iyo kuwa dhulka, si loo xoojiyo awoodda dalka ee ilaalinta amniga iyo difaaca qaranka.