Xildhibaanada mucaaradka iyo Golaha Mustaqbalka oo shir xasaasi ah ku yeeshay Muqdisho

Xildhibaanada mucaaradka iyo Golaha Mustaqbalka oo shir xasaasi ah ku yeeshay Muqdisho

Xildhibaanada mucaaradka oo ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo xubno ka mid ah Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa xalay shir xasaasi ah ku yeeshay magaalada Muqdisho, iyaga oo ka arrinsanayay hannaanka loo wajahayo wax-ka-beddelka dastuurka iyo jihada siyaasadeed ee dalka.

Wararka ayaa sheegaya in kulanka uu ka dhacay goob uu Muqdisho ka degan yahay Madaxweynaha maamulka Puntland, Saciid C/laahi Deni, waxaana diiradda lagu saaray is-weydaarsiga xogta la xiriirta kulamadii u dambeeyay ee Golaha Mustaqbalka iyo mowqifyada ka taagan arrimaha dastuurka.

Ilo xog-ogaal ah ayaa tilmaamay in ajandaha shirka uu ahaa sidii xildhibaanada mucaaradka loogu soo bandhigi lahaa warbixin ku saabsan halka ay marayaan wada-tashiyada siyaasadeed, iyo sidii loo mideyn lahaa aragtida ku aaddan habraaca dib-u-eegista dastuurka Kumeelgaarka ah.

Kulankan ayaa loo arkaa mid muhiim u ah isku dubbaridka mowqifyada mucaaradka, gaar ahaan marka la eego doodaha sii xoogeysanaya ee ku saabsan wax-ka-beddelka dastuurka iyo jihada siyaasadeed ee dalka. Ka qeybgalayaasha ayaa la sheegay inay doonayaan in la helo faham wadajir ah iyo is-afgarad ku saabsan tallaabooyinka xiga.

Sidoo kale, shirka ayaa lagu falanqeeyay aragtiyo ka duwan kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya, taas oo muujinaysa sii kala aragti duwanaanshaha dhinacyada siyaasadda, isla markaana xoojinaysa baahida loo qabo wadahadal ballaaran oo lagu gaari karo heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay.

War rasmi ah oo ku saabsan natiijada kulanka ayaa la filayaa inuu kasoo baxo saacadaha soo socda, iyadoo ilo ku dhow shirka ay tilmaamayaan suurtagalnimada in la shaaciyo mowqif mideysan oo ku saabsan habraaca wax-ka-beddelka dastuurka iyo jihada siyaasadeed ee la qaadi doono maalmaha soo socda.

Waxaa sidoo kale la filayaa in la soo bandhigo talooyin iyo qodobbo lagu xoojinayo wada-tashiga siyaasadeed, si looga hortago khilaaf hor leh oo ka dhasha arrimaha dastuurka iyo doorashooyinka.