Faah-faahin:- Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay dagaal culus oo ka dhacay Sh/dhexe

Faah-faahin:- Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay dagaal culus oo ka dhacay Sh/dhexe
Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo iska difaacaya weerar lagu soo qaaday

Waxaa faah-faahin dheeraad ah laga helayaa weerar culus oo ay maanta kooxda Al-shabaab ku qaaday saldhig ay ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ku leedahay deegaanka Jabad Godane ee gobolka Sh/dhexe.

Weerarkaasi oo ahaa mid aad u culus ayaa markii dambe isku badalay dagaal toos ah, waxayna labada dhinac isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoona guud ahaan deegaanka laga maqlayay dhawaqa rasaasta iyo hubka culus.

Sarkaal ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in kooxda Al-shabaab ay weerarkaasi ku jabeen islamarkaana dib looga saaray deegaanka Jabad Godane ee gobolka Sh/dhexe.

“Al-shabaab weerarkaasi way ku jabeen, waxaan ka dilnay askar badan, annagane waxaa nooga shahiiday askar, balse waan iska difaacnay, dib ayaana uga saarnay deegaanka” Sidaasi waxaa yiri mid ka mid ah saraakiisha ku sugan goobta uu weerarka ka dhacay.

Dhinaca kale, bayaan kasoo baxay wasaaradda gaashaandhiga xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ciidamada dowladda ay haatan si buuxda gacanta ugu hayaan deegaanka, islamarkaana halkaasi ka bilaabay baaritaano lagu baadi-goobayo kooxda Al-shabaab ee ku dhuumaalaysanaya gudaha deegaanka.

“Hadda waxaa deegaanka Jabad Godane ka socda howlgal ballaaran oo isugu jira baaritaano iyo amni sugid ah, waxaana lagu baad-goobayaa haraadiga maleeshiyaadka khawaarijta ee ku dhuumaalaysanaya deegaanka, si looga hortago isku day kasta oo ay dib isugu abaabulayaan ama ay ku carqaladaynayaan nabadda dadka deegaanka”, Ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay wasaaradda gaashaandhiga Soomaaliya.

Sidoo kale, bayaanka ayaa lagu sheegay in ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab, si loo sugo amniga, islamarkaana loo difaaco shacabka Soomaaliyeed.

Si kastaba ha ahaatee, weerarkaan ayaa kusoo beegmaya xilli ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ay muddooyinkii u dambeysay gobolka Sh/dhexe ka bilaabeen howlgallo ka dhan ah kooxda Al-shabaab.