Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shir isugu yeertay xubnaha siyaasiyiinta mucaaradka ee golaha mustaqbalka Soomaaliyeed, kaas oo diiradda lagu saari doono arrimaha masiiriga ah ee dalka, gaar ahaan geeddi-socodka siyaasadda iyo mustaqbalka dowladnimo.
War kasoo baxay Xukuumadda ayaa lagu sheegay in 1-da bisha Febraayo lagu wado in magaalada Muqdisho uu ka qabsoomo kulan ballaaran oo ay isugu imaanayaan hoggaamiyeyaasha siyaasadda, iyadoona ay xukuumaddu magacawday guddi wasiiro ah oo loo xilsaaray diyaargarowga kulanka iyo dejinta ajandihiisa.
Guddigan oo ay xukuumadda maagcawday ayaa waxaa hoggaaminaya wasiirka cadaaladda iyo arrimaha dastuurka, Xasan Macallin Maxamuud Sheekh Cali.
Ilaa iyo hadda lama oga mowqifka rasmiga ah ee maamul-goboleedyada Jubbaland iyo Puntland ay ka qaadan doonaan arrintan.
Ugu dambeyntii, xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in kullankan uu yahay fursad muhiim ah oo lagu xoojinayo wada-tashiga, isla markaana lagu gaari karo is-afgarad ku saleysan danaha guud ee dalka.