Wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gelinkii dambe ee maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya.
Wafdiga madaxweyne Xasan Sheekh oo muddooyinkii u dambeysay ku sugnaa magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa halkaasi uga qeyb-galay xafladda caleema-saarka madaxweynaha maamulka Waqooyi Barri Soomaaliya C/qaadir Axmed Aw-cali (Firdhiye) iyo ku-xigeenkiisa C/rashiid Yuusuf Jibriil.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa maalintii shalay maamul rasmi ah u aqoonsaday maamulka Waqooyi Barri Soomaaliya, isagoona sidoo kale sheegay in magaalada Laascaanood loo aqoonsaday inay tahay caasimadda midnimada iyo astaanta Soomaaliya.
Xafladda caleema-saarka madaxweynaha maamulka Waqooyi Barri Soomaaliya ayaa maalintii shalay ka dhacday magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, halkaasi oo ay kaga soo qeyb-galeen wufuud kala duwan oo caalami ah iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya.
Dhinaca kale, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa haatan guddo gali doonno la tashiga arrimaha doorashooyinka, waxaana la filayaa inuu isugu yeero siyaasiyiinta mucaaradka iyo madaxda maamulada Puntland iyo Jubbaland.
Si kastaba ahaatee, dhawaan ayay ahayd markii Golaha Mucaaradka ee Mustaqbalka ay madaxweyne Xasan Sheekh ugu baaqeen inuu 20-ka bishaan Janaayo isugu yeero saamileyda siyaasadeed ee dalka, si looga heshiiyo doorasho xilligeeda ku dhacda.