Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa si adag uga hadlay xaaladda amniga dalka, arrimaha doorashooyinka iyo muddada xilhaynta hay’adaha dowladda, isagoo farriimo culus u diray mucaaradka iyo qaar ka mid ah madaxda maamul goboleedyada dalka.
Ra’iisul wasaare Xamse Cabdi ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay ka daaleen colaadaha iyo khilaafaadka siyaasadeed ee dib u dhigaya horumarka dalka, isagoo uga digay mucaaradka inay ka fogaadaan wax kasta oo horseedi kara qalalaase amni ama xiisado ka dhaca caasimada dalka.
Waxa uu carrabka ku adkeeyay in shacabka aysan mar dambe aqbali doonin hanjabaado la xiriira wiiqidda amniga ama abaabul ciidan oo keeni kara khilaaf cusub, isagoo sheegay in dib loogu celiyo dalka xaaladihii burburka iyo colaadaha aysan marnaba suurtagal noqon doonin.
Dhinaca kale, ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa ka hadlay muddada xilhaynta hay’adaha dowladda, isagoo sheegay in sida ku cad dastuurka cusub ee uu ansixiyay Baarlamaanka Federaalka, ay dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud haysato muddo shan sano ah oo xilhayn ah.
Sidoo kale, ra’iisul wasaare Xamse ayaa digniin u diray madaxda maamul goboleedyada Puntland iyo Jubaland, isagoo xusay in dastuurka cusub uu ansixiyay Baarlamaanka Federaalka, isla markaana maamul goboleedyadu ay qeyb ka ahaayeen dhismaha hay’adaha federaalka iyo hannaanka doorashooyinka dalka.
Ugu dambeyn, ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa ku boorriyay dhammaan dhinacyada siyaasadda inay ka shaqeeyaan xasilloonida, midnimada iyo horumarka dalka, isla markaana laga fogaado tallaabo kasta oo dib u celin karta dowlad-dhiska Soomaaliya.