Madaxweyne Xasan oo xarunta madaxtooyada kulan labo-geesood ah kula yeeshay Golaha Mustaqbalka

Madaxweyne Xasan oo xarunta madaxtooyada kulan labo-geesood ah kula yeeshay Golaha Mustaqbalka

Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarunta madaxtooyada qaranka kusoo dhaweeyay mas’uuliyiinta iyo xubnaha golaha mustaqbalka Soomaaliyeed, kuwaas oo ka jawaabay gogosha wadatashi ee ay horay u fidisay xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Kadib soo dhaweyn rasmi ah, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa guddoomiyay kulan labo-geesood ah oo diiradda lagu saaray xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka, xoojinta midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed, gurmadka abaaraha ba’an ee saameeyay deegaanno badan, iyo dadaallada lagu ciribtirayo kooxda khawaarijta Al-shabaab.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu gorfeeyay muhiimadda ay leedahay in la helo is-afgarad siyaasadeed oo ku dhisan wada-tashi, kalsooni iyo mas’uuliyad qaran, si loo xoojiyo xasilloonida dalka loona dardargeliyo geeddi-socodka dowlad-dhiska.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si gaar ah u adkeeyay in wada-hadallada furan iyo wadatashiga qaran ay yihiin tiirka ugu muhiimsan ee lagu xallin karo caqabadaha siyaasadeed iyo kuwa amni ee dalka ka jira.

Wuxuu tilmaamay in is-fahamka iyo isu-tanaasulka dhinacyada siyaasadeed ay horseedi karaan xasillooni waarta, midnimo qaran iyo hannaan siyaasadeed oo loo dhan yahay, isla markaana gacan ka geysan kara xoojinta dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada iyo sugidda amniga guud ee dalka.

Dhankooda, xubnaha Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa soo dhaweeyay gogosha wadatashiga, iyagoo muujiyay diyaar garowgooda ku aaddan ka qeyb-qaadashada wada-hadallo miro-dhal ah oo horseeda midnimo, nabad iyo hannaan doorasho oo lagu wada qanacsan yahay.

Si kastaba ha ahaatee, kulankan ayaa kusoo beegmaya xilli dalka uu wajahayo duruufo siyaasadeed, amni iyo kuwo bani’aadannimo, taasoo sare u qaadaysa muhiimadda wada-hadallada u dhaxeeya hoggaanka dalka iyo dhinacyada siyaasadda, si loo helo xal waara oo lagu gaari karo xasillooni iyo horumar.