Faah faahin:- Xiisad ka qaraxday Bariga Dhexe kadib weerar lagu qaaday dalka Iiraan

Gobolka Bariga Dhexe ayaa galay xaalad kacsanaan ah kaddib weerarro culus oo is-dhaafsi ah oo dhexmaray Iiraan iyo quwado ay ku jiraan Maraykanka iyo Israa’iil, taasoo sare u qaaday cabsida laga qabo dagaal ballaaran oo ka qarxa gobolka.

Qaraxyo xooggan ayaa laga maqlay caasimadda Iran ee Tehran iyo magaalooyin kale oo istiraatiiji ah, iyadoo la sheegay in la beegsaday xarumo milatari iyo goobo dowladeed. Magaalooyin dhowr ah oo ku kala yaalla galbeedka, bartamaha iyo koonfurta dalka ayaa laga soo weriyay burbur iyo qiiq ka kacaya saldhigyo la duqeeyay.

Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran (IRGC) ayaa xaqiijiyay in qaar ka mid ah xarumahooda la weeraray, iyagoo ku eedeeyay Maraykanka iyo Israa’iil inay ka dambeeyeen duqeymaha.

Dowladda Iiraan ayaa si degdeg ah uga jawaabtay weerarradaasi, iyadoo ku dhawaaqday in gantaallo lagu garaacay saldhigyo milatari oo Maraykanku ku leeyahay dalal ka tirsan Khaliijka Carabta.

Wararka rasmiga ah ee Tehran ayaa tilmaamay in bartilmaameedyada ay ku yaalliin Bahrain, Qatar, Kuwait iyo Imaaraadka Carabta. IRGC ayaa sheegtay in howlgalkaasi uu yahay mid jawaab u ah weerarrada lagu soo qaaday dhulka Iiraan, isla markaana uu sii socon doono haddii ay dhacaan weerarro kale.

Dalalka la sheegay in la beegsaday ayaa qaarkood xaqiijiyay in gantaallo lagu soo tuuray, balse intooda badan ay ka hortageen nidaamyadooda difaaca cirka.

Imaaraadka Carabta ayaa sheegay in khasaare dhimasho uu ka dhashay weerar ka dhacay Abu Dhabi, halka Bahrain ay ku tilmaantay weerar lagu qaaday saldhig ay martigeliso ciidamada badda Maraykanka mid xadgudub ku ah madax-bannaanideeda.

Qatar iyo Kuwait ayaa ku dhawaaqay inay sare u qaadeen heegankooda amni, halka Ciraaq ay sheegtay in la fashiliyey isku day lagu weeraray garoonka diyaaradaha Erbil, kadib markii diyaarad aan duuliye lahayn la soo riday.

Xiisaddan ayaa si degdeg ah u saameysay isu socodka hawada iyo ganacsiga gobolka, iyadoo shirkado diyaaradeed oo caalami ah ay hakad geliyeen duullimaadyadii ku wajahnaa dalalka ay colaaddan saameysay.

Sidoo kale, waxaa kor u kac laga dareemay suuqyada shidaalka, iyadoo laga cabsi qabo in dagaalku carqaladeeyo marinnada muhiimka ah ee dhoofinta tamarta.

Beesha caalamka ayaa si mideysan ugu baaqday in si degdeg ah loo qaboojiyo xiisadda taagan, lana bilaabo dadaallo diblomaasiyadeed oo dhab ah si looga hortago dagaal baahsan oo gobolka ku fida.

Dowlado waaweyn iyo ururro caalami ah ayaa carrabka ku adkeeyay in la joojiyo weerarrada is-dhaafsiga ah, lana abuuro jawi ku habboon wada-hadal iyo xal siyaasadeed oo waara.

Baaqyadaasi waxay imaanayaan xilli laga cabsi qabo in colaadda sii huraysa ay saameyn ku yeelato amniga gobolka, isu socodka ganacsiga caalamiga ah iyo xasilloonida suuqyada tamarta.

Diblomaasiyiin kala duwan ayaa wada xiriirro degdeg ah oo lagu yareynayo xiisadda, iyadoo la isku dayayo in la helo waddo lagu hakiyo ficillada milatari loona weecdo dhanka wada-xaajoodka.

Inkastoo baaqyada nabadeed ay isa soo tarayaan, xaaladda dhabta ah ayaa weli ah mid aad u kacsan.

Dhaqdhaqaaqyada milatari iyo hadallada adag ee is-dhaafsanaya ayaa muujinaya in khatarta dagaal ballaaran ay weli taagan tahay.

Si kastaba ha ahaatee, indhaha caalamka ayaa haatan kusii jeeda tallaabooyinka xiga ee ay qaadi doonaan dhinacyada ku lugta leh, kuwaas oo go’aamin kara in xiisaddu u leexato dhinaca degenaansho iyo wada-hadal, ama ay sii xumaato.