Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa shaacisay in ciidamadeeda, oo kaashanaya saaxiibo caalami ah, ay fuliyeen howlgallo amni oo qorsheysan oo ka kala dhacay gobollada Hiiraan iyo Sh/hoose, kuwaas oo lagu bartilmaameedsaday maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab.
War-saxaafadeed ay hay’addu soo saartay ayaa lagu sheegay in in ka badan 40 dagaalyahan lagu dilay howlgalladaasi, isla markaana lagu burburiyay fariisimo iyo goobo ay ku sugnaayeen xubnaha kooxda.
NISA waxay tilmaantay in howlgalka koowaad uu ka dhacay deegaanno hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, halkaas oo lagu beegsaday 17 xubnood oo ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab, kuwaas oo la sheegay inay abaabulayeen falal amni-darro.
Sidoo kale, howlgal kale oo laga fuliyay dhul howd ah oo ku yaalla Sh/hoose ayaa lagu dilay tiro kale oo ka tirsan Al-shabaab, sida lagu sheegay bayaanka.
Hay’addu waxay xustay in xubnahan ay qorsheynayeen inay carqaladeeyaan saldhigyada ciidamada iyo isu-socodka amniga ee gobolka.
NISA ayaa sheegtay in howlgalladan ay qeyb ka yihiin dadaallo ballaaran oo lagu xoojinayo amniga laguna wiiqayo awoodda Al-shabaab ee gobollada bartamaha iyo koonfurta dalka.
Hay’addu ma soo bandhigin faahfaahin dheeraad ah oo la xiriirta magacyada ama sawirrada xubnaha lagu dilay.
Si kastaba ha ahaatee, howlgalladan ayaa kusoo beegmaya xilli ciidamada ammaanka Soomaaliya ay kordhiyeen cadaadiska militari ee ka dhanka ah Al-shabaab, iyadoo dowladdu ku celcelisay in ay ka go’an tahay sugidda amniga iyo xasilloonida guud ee dalka.
