Golaha Mustaqbalka oo war-murtiyeed kasoo saaray Dastuurka iyo Doorashooyinka

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa soo saaray war-murtiyeed ay kaga hadleen xaaladda dastuurka dalka iyo arrimaha doorashooyinka, iyagoo ku muujiyay walaac la xiriira geeddi-socodka wax-ka-beddelka dastuurka iyo dib-u-dhaca ku yimid doorashooyinka maamul-goboleedyada.

Goluhu wuxuu si adag u cambaareeyay waxa uu ku tilmaamay wax-ka-beddel “hal dhinac ah” oo lagu sameeyay Dastuurka, iyagoo ku adkeystay in Dastuurka KMG ah ee la ansixiyay sanadkii 2012 uu yahay kan rasmiga ah ee dalka lagu maamulo.

Waxay sheegeen in wax-ka-beddel kasta uu ku imaan karo oo keliya hannaan sharci ah oo loo dhan yahay, isla markaana ay masuuliyiinta Dowladda Federaalka kula xisaabtami doonaan tallaabo kasta oo ka baxsan nidaamkaas.

Dhanka kale, Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa ku baaqay in si degdeg ah loo qabto doorashooyinka maamul-goboleedyada xubnaha ka ah Federaalka ee muddo-xileedkoodu dhammaaday, si looga hortago hubanti la’aan siyaasadeed iyo khilaaf hor leh.

Sidoo kale, Goluhu wuxuu ku dhawaaqay inuu 10-ka Abriil qaban doono gogol wadatashi ah oo ay sheegeen in looga gol leeyahay badbaadinta dowladnimada iyo ka tashiga mustaqbalka siyaasadeed ee dalka, maadaama muddo-xileedka Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka uu ku egyahay 14-ka Abriil.

War-murtiyeedkan ayaa imaanaya xilli ay taagan yihiin dooddo siyaasadeed oo la xiriira dib-u-eegista dastuurka iyo hannaanka doorashooyinka, kuwaas oo sii kordhiyay xiisadda u dhexeysa dhinacyada siyaasadda dalka.