Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jaray xarunta qaran ee ka jawaabista xaaladaha degdegga ah ee amniga saaybarka (SOMCIRT), taas oo loo aas-aasay inay ka jawaabto khataraha iyo weerarrada dhanka amniga isgaarsiinta iyo tiknoolojiyadda.
Munaasabadda daahfurka xaruntan ayaa ka dhacday magaalada Muqdisho, iyadoo ay kasoo qayb galeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, khubaro dhanka tiknoolojiyadda ah iyo wakiillo ka socday hay’adaha ku shaqada leh horumarinta iyo ilaalinta amniga dijitaalka ah ee dalka.
Ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in hirgelinta xaruntan ay muhiimad gaar ah u leedahay amniga Qaranka, maadaama dunida casriga ah ay si weyn ugu tiirsan tahay tiknoolojiyadda iyo adeegyada isgaarsiinta.
Wuxuu xusay in horumarka dhanka tiknoolojiyadda uu la socdo khataro cusub oo ka dhasha weerarrada saaybarka, kuwaas oo bartilmaameedsan kara nidaamyada dowliga ah, ganacsiyada iyo xogta muwaadiniinta.
Ra’iisul wasaare Xamse Cabdi ayaa tilmaamay in xarunta SOMCIRT, ay door muhiim ah ka qaadan doonto ilaalinta xogaha iyo nidaamyada muhiimka ah ee dowladda iyo dalka, islamarkaana ay si deg-deg ah uga jawaabi doonto dhacdooyinka amni ee ka dhanka ah tiknoolojiyadda iyo isgaarsiinta.
Sidoo kale, wuxuu guul weyn ku tilmaamay hirgelinta xaruntan oo qaabilsan isku-duwidda iyo ka jawaabista khataraha amniga saaybarka, ururinta iyo falanqaynta xogaha ku saabsan weerarrada dijitaalka ah, iyo soo gudbinta digniinaha iyo talooyinka ku aaddan sidii looga hortagi lahaa falalkaas.
Ra’iisul wasaaraha ayaa xusay in xaruntan ay sidoo kale ka shaqayn doonto wacyigelinta bulshada Soomaaliyeed ee ku saabsan khataraha ka iman kara isticmaalka tiknoolojiyadda iyo isgaarsiinta, si loo kordhiyo fahamka guud ee amniga saaybarka iyo sida looga hortagi karo weerarrada dijitaalka ah.
Dhinaca kale, ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in xukuumadda DanQaran ay dejisay qorshe ballaaran oo lagu horumarinayo tiknoolojiyadda dalka, isla markaana lagu xoojinayo kaabeyaasha dijitaalka ah.
Ugu dambeyn, ra’iisul wasaare Xamse ayaa tilmaamay in hirgelinta xaruntan ay timid, kadib markii hay’adda isgaarsiinta Qaranka iyo wasaaradda boostada iyo isgaarsiinta ay soo jeediyeen muhiimadda ay leedahay in la dhiso xarun qaran oo si gaar ah uga shaqaysa amniga saaybarka.