Farmaajo oo boggaadiyay ciidanka Danab iyo kuwa maamulka Jubbaland

Farmaajo oo boggaadiyay ciidanka Danab iyo kuwa maamulka Jubbaland
Farmaajo oo boggaadiyay ciidanka Danab iyo kuwa maamulka Jubbaland

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa boggaadiyay ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya ee Danab iyo kuwa maamulka Jubbaland oo kooxda Al-shabaab dagaal culus kula galay deegaanka Kudhaa oo ka tirsan degmada Badhaadhe ee gobolka J/hoose.

War-saxaafadeed uu soo saaray Mudane Farmaajo ayuu ku sheegay in naf-hurnimada iyo geesinimada ee ciidamada Soomaaliyeed ay muujinayso, sidii dalka looga cirib-tiri lahaa kooxdaan Shabaabka ah ee dul-saarka ku ah nolasha iyo dowladnimada shacabka Soomaaliyeed.

“Waxaan boggaadin iyo dhiirri-gelin u dirayaa geesiyaasha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo ciidamada daraawiishta Jubbaland, kuwaas oo guul muhiim ah ka keenay dagaalka sifeeynta ah ee ay kula galeen argagixisada Al-shabaab deegaanka Kudhaa iyo Nawaaxigiisa” Sidaasi waxaa war-saxaafadeed ku yiri Mudane Farmaajo

Dhinaca kale, mudane Farmaajo ayaa sheegay in guushaan ay gaareen ciidanka maamulka Jubbaland iyo kuwa dowaldda federaalka Soomaaliya ee Danab ay ka tarjumeyso naf-hurnimada iyo geesinimada ay si wadajir ah u muujiyeen.

“Waxa ay guushaan muujinaysaa naf-hurnimada iyo geesinimada ciidamada Soomaaliyeed oo duruuf kasta u taagan difaaca iyo xoraynta dhulkooda, ayna ka go’an tahay cirib-tirka argagixisada dulsaarka ku ah nolasha iyo dowladnimada shacabka Soomaaliyeed” Ayuu sidoo kale yiri mudane Farmaajo

Ugu dambeyntii mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa ugu baaqay dowladda federaalka Soomaaliya inay xooga saarto midnimada iyo tayeynta ciidamada qalabka sida, gaar ahaan ciidamadda ku sugan furimaha hore ee dagaalka.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaan ku adkaynayaa inay xooga saarto midnimada iyo tayeynta Ciidamada Qalabka Sida, gaar ahaan ciidamadda ku sugan furimaha hore ee dagaalka” Ayuu mudane Farmaajo intaasi raaciyay.

Si kastaba ha ahaatee, maalmo kahor ayay ahayd markii ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya ee Danab iyo kuwa maamulka Jubbaland ay kooxda Al-shabaab dagaal culus kula galeen deegaanka Kudhaa oo ka tirsan degmada Badhaadhe ee gobolka J/hoose, dagaalkaasi oo la sheegay inuu geystay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.