War-saxaafadeed kasoo baxay Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa lagu sheegay in ciidamadda NISA ay gacanta ku dhigeen shabakad argagixiso oo isku xiran, kana tirsan Al-shabaab.
Shabakaddaasi oo lagu sheegay inay ka kooban tahay illaa shan (5) xubnood, ayaa lagu eedeeyay inay qorsheynayeen in si qarsoodi ah usoo galaan magaalada Muqdisho, si ay u fulliyaan falal lid ku ah amniga iyo xasilloonida magaalada.
Ciidanka NISA ayaa sidoo kale howlgalka kusoo qabtay qaraxyo, hub, iyo gaadiid, kuwaas oo la doonayay in lagu dhibaateeyo amniga dalka, gaar ahaan caasimadda Muqdisho.
Ugu dambeyn Hay’adda NISA ayaa u mahad-celisay muwaadiniinta Soomaaliyeed wada-shaqeynta joogtada ah iyo taageerada ay la garab taagan yihiin ciidamada amniga, kuwaas oo mar walba u taagan difaaca shacabka iyo sugidda amniga qaranka.
Hay’adda NISA ayaa sidoo kale ugu baaqday shacabka Soomaaliyeed inay soo gudbiyaan xog kasta oo khatar ku ah amniga ama la xiriirta Al-shabaab iyo Daacish, iyagoo adeegsanaya lambarrada rasmiga ah ee hay’adda.