Urur goboleedka IGAD ayaa soo dhaweysay ansixinta heshiiska cusub ee IGAD ee uu baarlamaanka federaalka Soomaaliya ansixiyay, iyada oo sheegtay in tallaabadani ay xoojin doonto iskaashiga goboleed ee Bariga Afrika.
Bayaan uu soo saaray xoghayaha guud ee IGAD Workneh Gebeyehu ayaa lagu sheegay in ansixintani ay tahay guul weyn oo muujinaysa ka-qeybgalka sii kordhaya ee Soomaaliya ee hannaanada goboleed ee nabadda, horumarka, iyo iskaashiga.
“Waxaan hambalyo iyo boggaadin diirran u dirayaa baarlamaanka iyo dowladda federaalka Soomaaliya hoggaankooda go’aan qaadashada ee horumarinta guushan muhiimka ah” Sidaasi waxaa yiri xoghayaha guud ee IGAD, Workneh Gebeyehu.
Si kastaba ha ahaatee, heshiiska aasaaska IGAD ee sanadkii 1996 ayaa haatan si rasmi ah loogu badalay heshiiska cusub ee IGAD, kaas oo maray hannaan dib-u-habeyn iyo casriyeyn ah, si loo helo saldhig sharci iyo hay’adeed oo adkeynaya wada-shaqeynta dhinacyada nabadda iyo amniga, adkeysiga isbeddelka cimilada, kaabeyaasha dhaqaalaha, caafimaadka, ganacsiga, iyo horumarinta bulshada.