Farmaajo oo booqasho ku tagay hoyga uu Muqdisho ka deggan yahay Ugaas C/risaaq Ugaas C/laahi

Farmaajo oo booqasho ku tagay hoyga uu Muqdisho ka deggan yahay Ugaas C/risaaq Ugaas C/laahi

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed C/laahi Farmaajo, ayaa habeenkii xalay booqasho ku tagay hoyga uu magaalada Muqdisho ka deggan yahay Ugaas C/risaaq Ugaas C/laahi Ugaas Xaashi, halkaas oo uu kula kulmay qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed.

Farmaajo ayaa qoraal uu ku baahiyay bartiisa Facebook ku sheegay inuu booqday Ugaaska cusub, isla markaana uu ugu hambalyeeyay hoggaaminta saldanada, isagoo sidoo kale la qaatay kulan uu uga hadlay xaaladda dalka, adkaynta midnimada iyo doorka dhaqanka ee dowlad-dhiska.

Farmaajo oo booqasho ku tagay hoyga uu Muqdisho ka deggan yahay Ugaas C/risaaq Ugaas C/laahi

Wuxuu intaa ku daray in kulanka ay ka qeyb galeen odayaal dhaqameed iyo waxgarad Soomaaliyeed, kuwaas oo si qoto dheer uga wada hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo marxaladda adag ee uu ku jiro kala-guurka siyaasadeed.

Farmaajo oo booqasho ku tagay hoyga uu Muqdisho ka deggan yahay Ugaas C/risaaq Ugaas C/laahi

Dhinaca kale, Farmaajo ayaa sheegay in booqashada uu ku weheliyay Ugaas Maxamed Ugaas Axmed Ugaas Faarax, iyo qaar ka mid ah mas’uuliyiin iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Farmaajo oo booqasho ku tagay hoyga uu Muqdisho ka deggan yahay Ugaas C/risaaq Ugaas C/laahi

Si kastaba ha ahaatee, kulankan ayaa kusoo beegmaya iyadoo Muqdisho ay maalmihii u dambeeysay ka socdeen kulamo ay odayaasha dhaqanku la yeelanayeen madaxda dowladda federaalka iyo siyaasiyiinta mucaaradka, kuwaas oo diiradda lagu saarayo xal u helidda khilaafka siyaasadeed ee doorashooyinka dalka.