Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku casuumay xubnaha Golaha Mustaqbalka ka qeybgalka shir qaran oo lagu wado inuu ka qabsoomo magaalada Muqdisho 10-ka May 2026, kaas oo diiradda lagu saari doono xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo jihada mustaqbalka.
War-saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in qabsoomidda shirkan ay ka dambeysay wada-tashiyo ballaaran uu madaxweynaha la yeeshay siyaasiyiin, madax hore, odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, kuwaas oo looga arrinsaday duruufaha siyaasadeed ee taagan iyo baahida loo qabo in la helo hannaan mideysan oo xal loogu helo.
Shirkaan ayaa la filayaa inuu noqdo madal qaran oo muhiim ah, laguna falanqeeyo arrimo asaasi u ah dowlad-dhiska Soomaaliya, sida hannaanka doorashooyinka, xoojinta midnimada qaranka iyo dejinta istaraatiijiyadda siyaasadeed ee mustaqbalka dhow iyo kan fog.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in wadahadalladu u baahan yihiin daah-furnaan, niyad-wanaag iyo mas’uuliyad, si loo gaaro go’aanno wax ku ool ah oo ka jawaaba xaaladaha cakiran ee dalka ka jira, isagoo sidoo kale carrabka ku adkeeyay in isu-tanaasulku yahay furaha lagu gaari karo natiijooyin la taaban karo.
Dhinaca kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale xaqiijiyay in dowladda federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay hirgelinta hannaan siyaasadeed oo ku dhisan wadajir iyo is-afgarad, iyadoo la ilaalinayo midnimada, madaxbannaanida iyo dowladnimada dalka.
Si kastaba ha ahaatee, shirkaan la filayo inuu qabsoomo ayaa kusoo beegmaya xilli Soomaaliya ay ku jirto marxalad siyaasadeed oo xasaasi ah, iyadoo ay jiraan aragtiyo kala duwan oo ku saabsan hannaanka doorashooyinka iyo jihada siyaasadeed ee dalka, taasoo ka dhigaysa shirka mid si weyn loo wada sugayo.
