Waxaa maanta xerada Xalane ee magaalada Muqdisho lagu qabtay kulan siyaasadeed oo heer sare ah, kaas oo ay isugu yimaadeen madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed C/laahi Farmaajo, iyo madaxda maamul goboleedyada Jubaland iyo Puntland.
Kulankan ayaa yimid xilli ay taagan yihiin caqabado siyaasadeed oo la xiriira hannaanka doorashooyinka, dastuurka iyo xiriirka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada dalka.
Ilo ku dhow dhow kulanka ayaa sheegaya in ajandaha ugu weyn uu ahaa sidii xal siyaasadeed oo wadajir ah looga gaari lahaa murannada taagan, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka iyo awood-qaybsiga.
Waxaa sidoo kale laga dooday doorka maamul goboleedyadu ku leeyihiin go’aannada qaran iyo baahida loo qabo in la helo hannaan siyaasadeed oo lagu wada qanacsan yahay.
Kulankan ayaa si gaar ah indhaha loogu hayay, maadaama uu ahaa markii ugu horreysay ee si fool ka fool ah isu arkaan Farmaajo iyo Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), tan iyo dhammaadkii khilaafkoodii siyaasadeed ee hore.
Inkastoo ay jireen wada-hadallo hore oo dhinaca taleefanka ah, haddana kulankan tooska ah ayaa loo arkaa tallaabo muhiim ah oo lagu soo afjarayo kala fogaanshihii siyaasadeed isla markaana lagu dhisayo kalsooni cusub.
Sidoo kale, kulanka waxaa ka soo muuqday guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir, Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish), taas oo muujineysa in kulanku lahaa miisaan siyaasadeed oo ballaaran.
Dhinacyada kulanka yeeshay ayaa la sheegay inay muujiyeen niyad-wanaag iyo diyaar u ahaansho ku aaddan furitaanka bog cusub oo ku dhisan wadahadal iyo isfaham siyaasadeed, si loo xoojiyo xasilloonida dalka iyo wada shaqeynta heer qaran.
Si kastaba ha ahaatee, kulankan ayaa loo arkaa mid horseedi kara is-afgarad ballaaran haddii la sii wado wada-tashiyada noocan oo kale ah, gaar ahaan marka la eego marxaladaha la xiriira doorashooyinka iyo dib-u-habaynta nidaamka dowladeed ee dalka.