Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed C/laahi Farmaajo, ayaa qoraal uu ku daabacay bartiisa X kaga hadlay xaaladda siyaasadeed ee cakiran ee dalka, isaga oo si adag uga digay khataraha ka dhalan kara khilaafaadka hareeyay arrimaha doorashooyinka iyo muddo-xileedka dowladda hadda jirta.
Farmaajo ayaa sheegay in maalinta Jimcaha ee ku beegan 15-ka May 2026 ay ku eg tahay muddo-xileedka dastuuriga ah ee Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo xusay in loo baahan yahay in si mas’uuliyad leh loo wajaho marxaladda kala-guurka siyaasadeed ee dalka.
Wuxuu ugu baaqay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud in toddobaadka ka harsan muddo-xileedkiisa uu xoogga saaro dhismaha hannaan doorasho oo loo dhan yahay, laguna wada qanacsan yahay, si looga hortago qalalaase siyaasadeed iyo kala qeybsanaan hor leh oo saameyn karta xasilloonida dalka.
Sidoo kale, Farmaajo ayaa carrabka ku adkeeyay in wadatashi dhab ah iyo heshiis siyaasadeed oo dhex mara dowladda federaalka, maamul goboleedyada, mucaaradka iyo bulshada rayidka ah ay yihiin waddada keliya ee lagu gaari karo doorasho lagu kalsoonaan karo.
Dhinaca kale, Farmaajo ayaa dowladda federaalka ugu baaqay inay si degdeg ah u sii deyso wariyeyaasha iyo dadka uu sheegay inay u istaageen difaaca shacabka dhibaateysan, isagoo ku tilmaamay xarigga saxafiyiinta iyo dadka cabbiraya aragtidooda mid ka hor imaanaya dastuurka iyo xeerarka dalka, isla markaana muujinaya, sida uu hadalka u dhigay, “jihada xukun-boobka ah” ee uu ku socdo nidaamka hadda jira.
Ugu dambeyn, Farmaajo ayaa dhaliilay hadal dhawaan kasoo baxay dowladda oo ku saabsanaa in guryo loo dhisayo qaar kamid ah qoysaskii la barakaciyay, isagoo arrintaasi ku tilmaamay mid ay dowladda isaga leexinayso cadaadiska kaga imaanaya bulshada, islamarkaana aysan jirin qorshe ama miisaaniyad hore loogu qoondeeyay mashruucaasi.
Wuxuu hadalkiisa intaas ku daray in dowladda waqtigeedu sii dhammaanayo aysan awood u lahayn fulinta ballanqaadyo waaweyn oo la xiriira dib-u-dejinta dadka la barakaciyay, maadaama, sida uu sheegay, maalmo kooban ay xukunka uga harsan tahay.
Si kastaba ha ahaatee, hadalka Farmaajo ayaa kusoo beegmaya xilli ay cirka isku sii shareerayaan xiisadaha siyaasadeed ee la xiriira doorashooyinka, amniga iyo mustaqbalka hannaanka dowladnimada Soomaaliya, iyadoo mucaaradka iyo dowladda federaalka ay isku hayaan jihada siyaasadeed ee dalka iyo sharciyadda geeddi-socodka doorashooyinka.