Mas’uuliyiin sare oo katirsan maamulka Puntland, oo ay wehliyaan isimmo dhaqameed iyo waxgarad deegaanka ah, ayaa wada dadaallo ballaaran oo lagu daminayo colaad beeleed maalmihii u dambeeyay ka taagneyd deegaanno katirsan bariga gobolka Sanaag.
Wasiiru dowlaha wasaaradda amniga Puntland, Jeneraal Fu’aad Warsame Maxamed (Xanaano) oo wata ciidamo aad u hubeysan ayaa gaaray deegaannada Carmale iyo Daarasalaam, si loo dejiyo xaaladda loogana hortago in dagaalladu sii fidaan.
Mas’uuliyiinta Puntland iyo odayaasha dhaqanka ee halkaasi ku sugan ayaa kulamo la yeeshay dhinacyadii dirirtu dhexmartay, iyagoo ugu baaqay inay si degdeg ah u joojiyaan colaadda, isla markaana ay u hoggaansamaan qorshayaasha nabadeed iyo awaamiirta maamulka.
Sidoo kale, waxgaradka deegaanka ayaa door muuqda ka qaadanaya dhex-dhexaadinta iyo qaboojinta xiisadda, iyagoo ku baaqaya in laga fogaado hurinta colaado horleh oo halis gelin kara nabadda iyo wada noolaanshaha bulshada deegaanka.
Dagaalkii dhawaan ka dhacay deegaannada Carmale iyo Daarasalaam ayaa sababay khasaarooyin culus oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac, iyadoona wararka hordhaca ah ay sheegayaan in ugu yaraan 20 qof ay ku dhinteen, halka tiro intaas ka badan ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo qaarkood xaaladdoodu culus tahay.
Ugu dambeyn, maamulka Puntland ayaa sheegay inay sii wadi doonto dadaallada nabadeed iyo howlgalada lagu sugayo amniga, si looga hortago dagaallo beeleed soo noqnoqda oo saameyn ku yeesha xasilloonida gobolka Sanaag.
Si kastaba ha ahaatee, bulshada ku nool deegaanka uu dagaalka ka dhacay ayaa muujinaya walaac ku aaddan saameynta colaadaha soo noqnoqda ay ku leeyihiin nolosha shacabka, ganacsiga iyo isku socodka deegaanka.