Wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta gaaray magaalada Jabuuti ee caasimadda dalka Jabuuti, halkaas oo uu kaga qeyb galayo munaasabadda caleemo-saarka madaxweynaha dib loo doortay ee dalkaasi, Ismaaciil Cumar Geelle.
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Jabuuti si diiran ugu soo dhaweeyay ra’iisul wasaaraha dalkaasi Jabuuti, C/qaadir Kaamil Maxamed, iyo mas’uuliyiin kale oo katirsan dowladda dalkaasi.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kamid ah madaxda dowladaha Geeska Afrika iyo marti-sharafta kale ee lagu casuumay munaasabadda caleemo-saarka madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, oo dhawaan dib loogu doortay hoggaanka dalka Jabuuti.

Ugu dambeyn, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa inta uu ku sugan yahay magaalada Jabuuti, waxa uu kulamo gaar ah la yeelan doonaa madaxda sare ee Jabuuti iyo mas’uuliyiinta kale ee ka qeyb galaysa munaasabadda caleema-saarka.