Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa walaac ka muujiyay xaaladda siyaasadeed ee ka taagan maamulka Koonfur Galbeed, isagoo ka digay halista ka dhalan karta qorshaha ay dowladda federaalka ku wajahday arrimaha maamulkaas.
Madaxweyne Farmaajo ayaa xusay in xaaladda cakiran ee ka jirta Koonfur Galbeed ay khatar ku tahay xasilloonida guud ee deegaanka, badqabka shacabka ku nool gobolka, iyo sidoo kale dadaallada socda ee lagu dhisayo dowladnimo waarta oo Soomaaliya ka hanaqaadda.
Farmaajo ayaa tilmaamay in xiisaddan ay wiiqi karto kalsoonida shacabka, isla markaana ay carqaladeyn karto horumarka laga sameeyey geeddi-socodka dowlad-dhiska, haddii aan si degdeg ah xal waara loogu helin.
Dhinaca kale, Farmaajo ayaa sheegay inay weli jiraan fursado lagu xallin karo khilaafka taagan, isagoo ku baaqay in dowladda federaalka ay la timaaddo niyad wanaag iyo wadahadal dhab ah oo ku saleysan is-faham iyo wada-tashi.
Sidoo kale, wuxuu carrabka ku adkeeyay in wadahadal furan oo daacad ah uu yahay jidka ugu habboon ee lagu gaari karo xal siyaasadeed oo deggan, gaar ahaan marka laga hadlayo arrimaha doorashooyinka dalka.
Ugu dambeyn, Farmaajo ayaa ku booriyay dhammaan dhinacyada ay khuseyso inay ka shaqeeyaan ilaalinta xasilloonida iyo midnimada, si loo hubiyo in dalka uusan dib ugu laaban xaalado qalalaase ah.