Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed C/laahi Farmaajo, ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, isagoo ka digay khatar ka dhalan karta hubanti la’aanta ku saabsan doorashooyinka iyo hannaanka dimuqraadiyadeed ee Soomaaliya.
War-saxaafadeed uu soo saaray Farmaajo ayuu ku sheegay in dalka uu galay marxalad xasaasi ah oo si toos ah u saameyn karta amniga, wadajirka bulshada iyo jiritaanka dowladnimada, isagoo xusay in xaaladdan ay si gaar ah ula xiriirto dib u dhaca ku yimid geeddi-socodka doorashooyinka, taas oo keentay inay soo baxaan su’aalo sharci iyo kuwo siyaasadeed.
Sidoo kale, Farmaajo ayaa xusay in muddo xileedka baarlamaanka federaalka uu dhammaaday iyadoo aan weli lasoo dhisin gole cusub, taas oo dhalin karta khatar sharci iyo mid dowladnimo oo keeni karta jahawareer ku yimaada hab-maamulka dalka.
“Marka baarlamaankii dalka uu dhammaado muddo-xileedkiisa iyadoo aan weli la soo dooran gole cusub, waxaa dhalan kara xaalad keenta firaaq sharci, hoos u dhac ku yimaada isla xisaabtanka hay’adaha dowladda iyo suuragalnimada ku tagri-fal awoodeed,” ayuu yiri Farmaajo.
Dhinaca kale, Farmaajo ayaa tilmaamay in muddo-xileedka dastuuriga ah ee madaxweynaha Soomaaliya ay ka harsan yihiin 31 maalmood oo keliya, sida uu dhigayo qodobka 91-aad ee dastuurka, taas oo ka dhigaysa marxaladda hadda jirta mid aad u xasaasi ah oo u baahan go’aamo siyaasadeed oo degdeg ah.
Farmaajo wuxuu ku baaqay in la helo wada-hadal siyaasadeed oo ballaaran oo ay ka qayb qaataan dhammaan dhinacyada siyaasadda dalka, si loo gaaro heshiis qaran oo suurtagelinaya qabashada doorasho hufan oo lagu kalsoonaan karo.
Wuxuu sidoo kale carrabka ku adkeeyay in xal kasta oo la gaaro uu noqdo mid waafaqsan dastuurka dalka, si looga fogaado firaaq dastuuri ah oo khatar gelin karta xasilloonida iyo dowladnimada Soomaaliya.
Ugu dambeyn, Farmaajo ayaa ku boorriyay hoggaanka dowladda, madaxda maamul goboleedyada iyo dhammaan saamileyda siyaasadda inay mudnaan siiyaan ilaalinta dastuurka iyo midnimada dalka, isla markaana ay si wadajir ah uga shaqeeyaan xal degdeg ah oo looga gudbo xaaladda siyaasadeed ee taagan.