Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa hakiyay dhammaan wada-shaqeyntii kala dhaxeeysay dowladda federaalka Soomaaliya, sida lagu caddeeyay war-saxaafadeed kasoo baxay maamulkaasi, oo goor-dhaw warbaahinta u akhriyay afhayeenka cusub ee maamulkaasi, Ugaas Xasan Cabdi Maxamed.
War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in go’aankan uu yimid kaddib baaritaan iyo qiimeyn ballaaran oo uu maamulku ku sameeyay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan faragelinta tooska ah ee ay dowladda federaalka ku hayso arrimaha gudaha ee maamulka, taasoo ay ku tilmaameen mid ka hor imaanaysa mabda’a federaalka.
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay in bilihii la soo dhaafay ay maamulkaasi ka waday dhaqdhaqaaqyo ciidan oo uu maamulka Koonfur Galbeed ku sifeeyay kuwo wiiqaya midnimada bulshada iyo nidaamka dowladnimo ee heer maamul-goboleed.
“Kaddib wada-hadallo badan oo aan la yeelanay dowladda federaalka, kuwaas oo aan ku dalbanaynay in la joojiyo faragelinta, waxaa noo caddaatay in tallaabooyinkaas ay khatar ku yihiin jiritaanka dowladnimada Koonfur Galbeed,” ayuu yiri afhayeenka maamulka, Ugaas Xasan Cabdi Maxamed.
Maamulka ayaa sidoo kale sheegay inay heleen xog muujinaysa in hub iyo agab ciidan lagu qalabeynayo maleeshiyaad aan la aqoonsan oo ka howlgala deegaannadooda, kuwaas oo ay ku tilmaameen kuwo ka baxsan nidaamka rasmiga ah ee dowliga ah.
Ugu dambeyn, afhayeenka maamulka, Ugaas Xasan Cabdi Maxamed, ayaa xaqiijiyay in go’aankaasi uu dhaqan galayo laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 17-ka bisha Maarso, isla markaana uu sii socon doono ilaa laga gaaro isfaham siyaasadeed oo lagu xallinayo khilaafaadka jira.
Si kastaba ha ahaatee, tallaabadan ayaa Koonfur Galbeed ka dhigaysa maamul-goboleedkii saddexaad ee xiriirka u jara dowladda federaalka, kaddib markii hore ay tallaabooyin la mid ah u qaadeen maamullada Puntland iyo Jubaland, taasoo muujinaysa sii qoto-dheeraanshaha khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya dowladda federaalka iyo maamul-goboleedyada dalka.