Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo ay ku mideysan yihiin maamulada Puntland, Jubbaland iyo siyaasiyiinta mucaaradka ayaa si adag uga hadlay marxaladda siyaasadeed ee dalka iyo shirkii wada-xaajoodka oo ay dhawaan fidisay xukuumadda federalka Soomaaliya.
War-saxaafadeed ay soo saareen golahaasi ayaa muujinaya mowqifkooda ku aadan casuumadda shirka wada-hadalka Qaran oo ay dowladda federaalka Soomaaliya u fidisay, kaasoo la filayo inuu 1-da Febraayo ka furmo magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya.
Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa ugu baaqay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu qaado tallaabooyin lagu abuuri karo jawi kalsooni leh si wadahadalladu u noqdaan kuwo miro-dhal ah.
Golaha ayaa si gaar ah u dalbaday arrimahaan hoos ku xusan:
- In la joojiyo wax ka beddelka dastuurka KMG ah ee 2012.
- In wadahadalladu diiradda saaraan arrimaha mudnaanta u leh dalka, kuwaas oo ay ka mid yihiin:
- Amniga iyo la dagaallanka Al-shabaab iyo Daacish
- In la gaaro heshiis qaran oo ku saabsan nidaamka doorashooyinka
- Midnimada iyo wadajirka dalka
- Wax ka qabashada abaaraha ka jira Soomaaliya
Ugu dambeyntii, xildhibaan C/laahi Abuukar Xaaji (C/laahi Carab) oo hoggaaminayo Guddiga farsamada ee Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa loo xilsaaray diyaarinta wixii farsamo ah ee la xiriira shirka.