War-saxaafadeed kasoo baxay taliska ciidanka booliska ee maamulka Waqooyi Barri Soomaaliya ayaa lagu beeniyay muuqaal maalmihii ugu dambeysay lagu faafiyay baraha bulshada, kaas oo ay kasoo muuqdeen koox wejiyada soo duubtay oo sheegtay inay ka tirsan yihiin Al-shabaab islamarkaana ay ku sugan yihiin magaalada Laascaanood.
“Ciidanka booliska maamulka Waqooyi Barri Soomaaliya waxuu si cad u beeninayaa muuqaal been-abuur ah oo lagu faafiyay baraha bulshada, kaas oo ay ka muuqdaan shan qof (5) oo wejiyada duubtay, xiran dhar u eg ciidanka, kuna sugnaa goob baadiye ah, islamarkaasina si been ah u sheegaya inay ku sugan yihiin magaalada Laascaanood, ayna ka tirsan yihiin urur argagixiso” Ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.
Sidoo kale, taliska ciidanka booliska Waqooyi Barri Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in muuqaalkaas lagu farsameeyey garaadka macmalka ah ee AI-da, looguna talagalay sumcad-dil, cabsi-gelin bulsho, iyo marin-habaabin amni oo ka dhan ah magaalada Laascaanood iyo guud ahaan deegaannada Waqooyi Barri Soomaaliya.
“Taliska ciidanka booliska Waqooyi Barri Soomaaliya wuxuu si cad u ogeysiinayaa muwaadiniinta, hay’adaha saxaafadda, iyo dhammaan dadka adeegsada baraha bulshada in waayahan dambe ay soo bateen falal lagu isticmaalayo tiknoolajiyadda casriga ah, gaar ahaan Artificial Intelligence (AI), si khaldan oo lid ku ah sharciga, anshaxa, iyo amniga guud” Sidaasi waxaa lagu yiri war-saxaafadeedka kasoo baxay taliska ciidanka booliska maamulka Waqooyi Barri Soomaaliya.
Ugu dambeyntii, taliska ciidanka boolliska ayaa shacabka ugu baaqay inay ka feejignaadaan wararka been abuurka ah ee khal-khalka gelin kara amniga, islamarkaana ay meel uga soo wada Jeedsadaan cid walba oo ku howlan sumcad dilka deeganadooda.
“Waxaan shacabka ugu baaqaynaa inay ka feejignaadaan wararka been abuurka ah ee khalkhalka gelin kara amniga, islamarkaana ay meel uga soo wada jeedsadaan cid walba oo ku hawlan sumcad dilka deegaanadooda iyo faafinta wararka aan salka iyo raadka toona lahayn” Ayuu sidoo kale lagu yiri war-saxaafadeedka.
Si kastaba ha ahaatee, hadalka kasoo yeeray taliska ciidanka booliska maamulka Waqooyi Barri Soomaaliya ayaa imaanaya xilli maalmihii ugu dambeysay uu baraha bulshada qabsaday muuqaal ay kasoo muuqdeen koox wejiyada soo duubtay oo sheegtay inay ka tirsan yihiin Al-shabaab islamarkaana ay ku sugan yihiin magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.