Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqday qeybo ka mid ah goobaha lagu caweeyo Muqdisho

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa habeenkii xalay booqday qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho, gaar ahaan goobaha ay ku caweeyaan qaar ka mid ah dhalinyaradda ku nool caasimadda.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhalinyaradaasi kala qeyb qaatay ciyaaraha kala duwan ee ay ku madadaalaan, isagoo ku bogaadiyay doorka wanaagsan ee ay ka qaataan ilaalinta nabad-galyada, isdhex galka bulshada, dib-u-dhiska iyo horumarka dalka.

Si kastaba ha ahaatee, booqashadaan madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kusoo beegmaysa xilli Soomaaliya ay ku jirto marxalad kala guur siyaasadeed, iyadoo dhinaca kale ay jiraan kulamo ay wadaan siyaasiyiinta mucaaradka, kuwaas oo looga arrinsanayo xaaladda dalka iyo jihada mustaqbalka geeddi-socodka siyaasadeed.