Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa habeenkii xalay soo xiray kulanka 27-aad ee wasiirrada maaliyadda ee madasha iskaashiga dalalka Geeska Afrika, kaasoo markii ugu horreysay lagu qabtay magaalada Muqdisho caasimadda Soomaaliya.
Kulankaan oo ay kasoo qeyb-galeen wasiirrada maaliyadda iyo madax kale oo ka socotay dalalka xubnaha ka ah madashan, ayaa la isku afgartay arrimo muhiim ah oo ku saabsan horumarinta dhaqaalaha iyo xoojinta iskaashiga gobolka.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulanka ka hadlay ayaa si gaar ah ugu mahad-celiyey wasiirrada maaliyadda iyo madaxda kale ee kulanka kasoo qeyb-galay, isaga oo tilmaamay doorkooda muhiimka ah ee ku aaddan xoojinta iskaashiga dhaqaale ee dalalka Geeska Afrika.
Waxa uu carrabka ku adkeeyey in kulankan uu dhiirri-gelinayo is-dhaafsiga waayo-aragnimada iyo aqoonta, taasoo gacan ka geysan doonta horumarinta xasilloonida dhaqaale ee gobolka, gaar ahaan xilliyada adkaa ee ay soo mareen dalalka Geeska Afrika.

Sidoo kale, madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay in marti-gelinta shirka heerka sare ee Muqdisho ay ka tarjumeyso soo kabashada Soomaaliya kadib dhibaatooyinkii kala duwanaa ee soo maray.
Waxa uu sheegay in marti-gelintan ay muujineyso in Soomaaliya ay dib u heshay kalsoonida caalamka, taasoo horseedaysa in dalku noqdo xarun muhiim ah oo laga xoojiyo xiriirada dhaqaale iyo siyaasadeed ee gobolka Geeska Afrika.

Dhinaca kale, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka hadlay hogaaminta Soomaaliya ee madasha iskaashiga Geeska Afrika, taasoo uu ku tilmaamay fursad taariikhi ah oo lagu xoojinayo wada-shaqeynta iyo is-afgaradka gobolka.

Ugu dambeyntii, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in fursadaan ay Soomaaliya ka caawin doonto inay sii waddo hormarinta danaha wadajirka ah ee dalalka xubnaha ka ah madashan, gaar ahaan arrimaha dhaqaalaha, nabadgelyada iyo horumarinta guud ee gobolka Geeska Afrika.