Golaha wasiirrada oo maanta ansixiyay dhowr hindise-sharciyeed iyo heshiisyo caalami ah

Golaha wasiirrada ee xukuumadda federaalka Soomaaliya

Golaha wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, kaas oo lagu ansixiyay dhowr hindise-sharciyeed, heshiisyo caalami ah iyo xeer-nidaamiyeyaal muhiim u ah horumarinta hay’adaha dowladda iyo kobcinta nidaamka dowladnimo.

Kulanka oo uu shir-guddoominayay ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, ayaa lagu meel mariyay qodobo istiraatiiji ah oo la xiriira horumarinta adeegyada dowladda, amniga, iyo iskaashiga caalamiga ah.

Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyay qodobada soo socda:

  • Hindise-sharciyeedka dhismaha hay’adda maamulka garoommada diyaaradaha Soomaaliyeed
  • Siyaasadda Qaran ee ilaalinta badqabka rayidka xilliyada howlgallada militari iyo colaadaha
  • Hindise-sharciyeedka la dagaallanka tahriibta iyo ka ganacsiga dadka
  • Xeer-nidaamiyaha sharciga shaqaalaha arrimaha dibadda
  • Heshiiska caalamiga ah ee ka hortagga falalka sharci-darrada ah ee ka dhanka ah badqabka socdaalka badda (SUA 2005)
  • Baratakoolka wax ka beddelaya heshiiska mas’uuliyadda madaniga ee wasakhowga saliidda
  • Heshiis is-afgarad oo u dhaxeeya Soomaaliya iyo Spain oo ku saabsan wadatashi siyaasadeed
  • Qaraar ku saabsan hirgelinta hannaanka tartanka furan

Golaha ayaa xusay in dhammaan qodobadan ay yihiin kuwo kor u qaadaya hufnaanta maamulka, xoojinta sharciga, iyo dardargelinta horumarka dalka.

Intii uu socday kulanka, golaha wasiirrada ayaa bogaadiyay ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, kuwaas oo guulo ka gaaray howlgallo ay ka fuliyeen deegaanno cusub oo laga xoreeyay kooxaha Al-shabaab.

Wasaaradaha amniga iyo gaashaandhigga ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa golaha la wadaagay warbixin ku saabsan howlgallada socda, iyagoo tilmaamay in la qorsheynayo gulufyo cusub oo lagu ciribtirayo meelaha yar ee ay weli ku dhuumaaleysanayaan kooxahaasi.

Ugu dambeyn, Golaha Wasiirrada ayaa bogaadiyay shacabka ku dhaqan deegaannada Koonfur Galbeed, gaar ahaan magaalada Baydhabo, iyagoo ku ammaanay soo dhaweynta ay u sameeyeen ciidamada qaranka iyo kaalinta ay ka qaateen xasillinta xaaladda deegaanka.